4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
MADAXWEYNE XASAN: Diyaar ayaan u ahay in aan tartamo doorashada 2016 ka dhacaysa dalka


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhawaajiyay inuu mar kale u Tartamayo Hoggaanka Somalia, isagoo xusay inuu la imaan doono ajandayaal cusub oo uu shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadi doono.

Xasan Sheekh, ayaa xusay inuu diyaar u yahay inuu mar kale Doorashada Somalia ka dhici doonta daba-yaaqada sanadkan uu ka qayb-galayo, iyadoo hadalkan noqonayaa midkii ugu horreeyay oo uu si rasmi ah ugu sheego Madaxweyne Xasan inuu mar kale u tartami doono xafiiska hoggaanka dalka.

Isagoo u Warramayay siinayay VOA-da ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd; Haddii aad doorashada dhici doonta ku guuleysatid, Maxaad sameynaysaa oo ka duwan wixii aad hore u soo qabtay? Wuxuuna kaga Jawaabay.

“Sidii markii horeba aan ula nimid ajandihii lixda tiir oo ay wax badan dhaqan-galeen ayaa marka la gaaro xilliga doorashada Sannadkan ay dhacayso ula imaan doonaa ajandaheenna. markaas ayaana la ogaan doonaa." 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqday inuu inta badan ka war-wareegayay inuu toos uga jawaabo arrinta la xiriirta murashaxnimadiisa, wuxuuna si kooban u xusay in uu diyaar u yahay inuu doorashada ka qayb-galo oo kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa wareysigaan ay la yeelatay VOA lagu weydiiyay su’aalo badan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; dhismaha maamul-goboleedyada,  tahriibka, musuq-maasuqa, doorka maamullada dalka ay ku yeelanayaan xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka soo socda iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn, Daba-yaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, ayaa lagu wadaa inay dalka ka dhacdo doorasho ka duwan tii la filayay ee ahayd Qof & Cod, iyadoo Hogaamiyeyaasha Somalia ay ku heshiiyeen dhawaan in doorashada sannadkanay noqoto mid hannaanka 4.5-ka ku dhisan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya