4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Waaxda Socdaalka Somalia oo Maanta Qabatay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo u socday Tahriib


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Somalia, ayaa maanta gacanta ku dhigtay 11-dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo u socday dalka Masar, si ay uga sii tahriibaan, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada maanta la qabtay.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in dhallinyaradaan la qabtay loo waday dalka Masar, si ay uga tahriibaan.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaan ka hadlaynay ka hor-taggaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka u baxaya. Sidaad arkaysaan maanta waxaan gacanta ku dhignay 11-dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo loo waday Masar, kuwaasoo dal-ku-galka Visa-ha ay wataan uu been-abuur yahay,” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaa raaciyay. “Waxaa naloo sheegay in dhallinyaradan ay yihiin ciyaartooy, balse markaan Wareysannay, waxaan ogaanay inay taasi waxba ka jirin, waana dhallinyaro masaakiin ah oo lacago laga gurtay.”

Sidoo kale, Jen. Gaafow ayaa hadalkiisa ku daray in ruuxa wata dhalashada dalka Australia laguna magacaabo, Xuseen Caydaruus Shariif uu Qanadaas ku qaatay inuu dhallinyaradaan dhaafiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, markii uu Dalka Masar geeyana uu foomamka u buuxiyo.

“Xuseen dhawr jeer ayuu dalka yimid, laba jeer oo hore ayaa qorshe sidaan oo kale ah ay u martay cid ogaatay ma lahan, laakiinse maanta waa markii saddexaad oo la qabto isaga iyo dadkii uu waday, waxaana lala tiigsanayaa sharciga,” ayuu mar kale yiri Jen. C/llaahi Gaafoow.

Taliyaha Waaxda Socdaalka Somalia, Jen. Gaafoow ayaa xusay inay hayaan warqad ay wasaarada arrimaha dibaddu u qortay dhallinyaradan oo ay ku leedahay Masar ayaa siisay sharciyo ay dalkeeda ku tagaan, wax ka jirana ma lahan arrintaas.

Jen. Gaafoow ayaa warbaahinta u soo bandhigay mid ka mid ah raggii 11-kan ruux waday, isagoo sheegay inay ku wareejinayaan waaxda dambi-baarista booliiska ee CID, ciddii uu dambi ku caddaadana maxkamad la hor-geyn doono, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay inay la dagaalanto Tahriibka iyo weliba Tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan Bulshada Soomaalida ku sheego inay caruurtooda ceshadaan, waayo maalin ka hor ayay ahayd markii aan u barooranaynay dhallinyaradii badda ku dhammaatay. Waaliddiinta Soomaaliyeed waxaan leeyahay Irsaaqad Alle ayaa u haya caruurtiina ee gaal waxba uma hayo, kuna dadaala inaad ceshataan ilmihiina,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Jen. Gaafoow.

Ugu dambeyn, mid ka mid ah 11-kii dhallinyaradii tahriibka ahaa ee maanta lagu dhigay gacanta oo lagu magacaabo Khadar Maxamed Maxamuud ayaa isagana uga warramay warbaahinta halka ay ku socdeen iyo cidda wadday.

“Khadar ayaa la i yiraahdaa... waxaana ku soconnay dalka Masar oo aan doonaynay inaan kasii tahriibo oo aan Taliyaaniga aado, inagoo og boqolaalkii Soomaalida ahaa ee badda ku dhammaaday,” ayuu yiri Khadar Maxamed oo intaas ku daray. “Waxaa na waday rag muqalasiin ah, waxaana midkiiba laga qaatay 4500 oo doollar, waxay nagu yiraahdeen lacagtiina waxay dhimaysaa markaad Masar tagtaan.”

Ugu dambeyn, Khadar ayaa wuxuu ka dalbaday dowladda Somalia in aysan dambi aysan lahayn ku qaaddo. Waxaana qabashada dhallinyaradan ay imaanaysaa xillli ay maalmo ka hor ay Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar ku dhinteen tiro lagu qiyaasay 200 oo qof oo Soomaali ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya