4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
SOMALILAND: Ciidamada amniga oo ku dhigay Gacanta Nin Gowracay Wiil yar oo 12-jir ahaa


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka warbixiyey wiil 12 jir ah oo lagu qashay degmadda Ballidhiig ee gobolka Togdheer, taas oo la sheegay in markii dambe ciidanka amnigu gacanta ku dhigeen.

Wiil yar oo 12 jir ah ayaa la sheegay in lagu qashay deegaanka Ballidhiig, taas oo laga helay maydkiisii deegaankaasi, iyadoo dadkii ka ag dhowaana sheegeen in ilmaha yar uu wakhtigaasi ilaalinayey adhi.

“Ninka ilmaha yar gawracay oo isku deyey inuu baxsado, ayaa markiiba waxa ka daba-tegay ciidamada amniga iyo shacbiga degaanka oo wada socda, waxana gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegayaan wararkii u danbeeyey ee isoo gaadhay, in gacanta lagu soo dhigay dhagarqabihii”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Wiilkan yar eee 12 jir ah ee lagu cunay deegaanka Ballidhiig,  ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Carab Buraalle, waxaana shalay lagu qashay deegaankaasi.

wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi ayaa sheegay in ciidanka amniga ee Deegannada Balli-dhiig iyo Dhoqoshay ee gobolka Togdheer ay  gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiig-lihii Gaystay Falkasi Foosha Xun leh ee ka dhacay deegaanadaas.

Taliyaha Ciidanka Doqoshay Cali Axmed (Cali Maleeye), ayaa xaqijiyay inay Ciidamada Booliska deegaanada oo iskashanayaa ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku Dhiiglahaasi,

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland