4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Wasiirrada Somaliland oo uga dooday shirkoodii Maanta Sidii ay xal ugu heli lahaayeen Tahriibka


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa shirkoodii maanta kaga dooday Tahriibka iyo sidii loo joojin lahaa, Waxaana la sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyey in la cidhib tiro dadka u fududeeya dadka tahriibaya.

Sidoo kale, waxa wasiirudawlaha arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye warbixin ka jeediyey golaha Wasiiradda wiil 12 jir ah oo lagu qashay degmadda Ballidhiig ee gobolka Togdheer oo uu sheegay in la qabtay ninkii lagu eedeeyey falkaasi foosha xun.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha uuna ku saxeexanaa Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay in shirka golaha wasiiradda uu shirgudoominayey madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Shirkan waxa xoog u saameeyey qodob ku saabsan masiibada tahriibta, kaasoo ka laxaad waynaaday qodobadii kale ee ajendaha.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka afhayeenka kasoo baxay.

Waxaana intaas lagu daray “Shirku markiiba waxa uu u gudbay hadal haynta ugu xoog weynayd fadhiga oo ah tahriibta, waxana halkaa ka hadlay, wasiiro tiro badan, kuwaasoo waayo aragnimadooda ku saabsan arrintaa kusoo bandhigay fadhiga.Wasiiradu waxay u muuqdeen kuwo ku dhiiran waxqabadka ay dawladu u yeelatay dhalinyarada dalka, sida mucaaradka ay sheegayaana arrintu ay aad uga duwan tahay. Iyagoo tirinaya waxyaabihii ay dawladu dhalinyarada u qabatay waxa ka mid ahaa hadaladooda: in dawladu ay furtay da’adii siyaasada lagu gelayey oo ay ka dhigtay 25 saano jir, taasoo keentay in maanta golahayaasha qaranka gaar ahaan golayaasha deegaanka ay awooda ugu badan iyo xubnaha ugu badan ay yihiin, dhalinyarada. Waxa kale oo la xusay dhalinyarada tirada badan ee hay’adaha dawlada, kuwa madaxa-banaan, ciidanka iyo shirkadaha  gaarka loo leeyahayba, ay ka muuqdaan shaqaale iyo ciidan tiro badan oo dhalinyaro ah, xukuumaddu waxay sheegtay in aanay marnaba ku faanin iyadu in 100% ay shaqaalaysiisay dhalin yartii dalka, hase ahaatee ay hayso dhabbihii ay xoogaa dhalinyaradu ku shaqaaloobi lahaayeen, oo ay arrintu aad uga duwan tahay, mucaaradka doonaya inay isku dhuftaan dhalinyarta iyo dawladooda.”

“Wasiiradu waxay ku nuux-nuuxsadeen in masiibadan tahriibtu tahay wax dunida oo dhan ka jira, gaar ahaan jahooyinka qaarada Afrika oo dhan, ilaa Eeshiya  iyo qaaradaha kaleba oo Yurub laftigeedu isu tahriibto, Ameerikada Koonfureedna ay u tahriibto Ameerikada waqooyi, waxa inoo gaarana aanay ahayn. Hase ahaatee dunida oo dhan ayey ka jirtaa inaga reebi mayso in aynu wax ka qabanno aafada tahriibta.”ayuu raaciyey afhayeenku hadalkiisa.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa xusay in dhaqankeenii ahaa ummad caan ku ah inay shaqaystaan uu lumay dhawr iyo saddonkii sannadood ee u danbeeyey, waxaanu tusaale u soo qaatay in dugsiyadii farsamada gacanta oo ay kuwii ugu horeeyey ardaydii soo gashay aad u tiro yar yihiin, sidaa awgeedna loo baahan yahay in lagu noqdo dhaqankii shaqaysiga ee aan lahaan jirnay, kaasoo dadnimada u wanaagsan if iyo aakhiroba, xukuumad ahaana la kordhindoono dugsiyada xirfadaha shaqo laga barto, isagoo inta aku daray in dhawaan la furidoono dugsigii caanka ahaa ee farsamada gacanta Burco.

“Iyadoo laga fekerayo xalka, waxa la go’aamiyey in la dardar geliyo wasaaradihii sideeda ka koobnaa ee madaxweynuhu hore ugu dhisay waxka qabashada tahriibta, oo iyaguna halkaasi warbixin koobaysa waxyaabihii u qabsoomay ilaa hadda, kana mid ahayd inay ka diyaariyeen daraasad dhinac walba taabanaysa oo loo adeegsan karo qorshaha wax lagaga qabanayo masiibadan tahriibta, waxa kale oo xalka ka mid ahaa in dhalinyarta oo asluub fiican iyo sharci ku tallaabsaday, una soo qortay wasaaradda arrimaha gudaha inay xus baroordiiqa u qabtaan saaxiibadoodii dhawaan ku halaagmay badda, in la soo dhaweeyo, xukuumaduna ay aqbasho baroordiiqdaasi, hase ahaatee aan la ogolaanin marnaba in la siyaasadeeyo xuskaa baroordiiqda ah. Waxanay xubnaha wasiiradu ay ammaaneen nidaamka dhalinyaradu u raaceen cabashada xuska baroordiiqda, ee ay codsiga u soo qorteen wasaaradda arrimaha gudaha,Ugu danbayn Madaxweynuhu waxa uu amar ka soo saaray  in dhammaan noocyada magafayaasha la cidhib tiro, ciqaab adagna la marsiiyo oo gacan bira lagu dhigo meel ay joogaanba si loo badbaadiyo da’yarta dalka ee ay marin habaabiyaan.”

Ugu dambeyn, wasiir-u-dawlaha Arrimaha Gudaha Somalialnd, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in lasoo qabtay ninkii qalay wiilka yar ee 12 jir ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland