4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Hay’ada SSWC oo Lacag Guddoonsiisay Maanta Haween Soomaaliyeed Dan-yar ah (SAWIRRO)

Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Hay’ada SSWC oo wax ka qabata Arrimaha haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, ayaa maanta guddoonsiisay 30-haween Soomaaliyeed oo dan-yar ah, kuwaa oo middiiba la guddoonsiiyay $500 (Shan Boqol oo Doollar) si ay shaqooyin ugu abuurtaan si ay qoysaskooda ugu taageeraan, iyadoo lacagtaan iska kaashadeen SSWC iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Xafladda Lacagtan lagu Guddoonsiiyay Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Agaasimaha Hay’ada SSWC, Maama Aamina Xaaji Cilmi, Mas’uul ka socday Hormuud Foundation, C/raxmaan Ibraahim Cilmi, Caasho Shaacuur Ugaas & Sahro Maxamed Axmed oo iyaguna ka socday bulshada rayidka ah.

“Haddii cid walba wixii ay heli karto ay haweenka Soomaaliyeed ee danta yar ku caawiso, Waxaa hubaal ah in aanu heer gaari lahayn,” ayay tiri Maama Aamina, oo intaas ku dartay. “Haweenka Soomaaliyeed waa in la caawiyo, waayo waa Hooyooyin... waana la og-yahay qiimaha ay hooyadu leedahay.”

Sidoo kale, Maama Aamina X. Cilmi, ayaa waxay haweenkii lacagta la gudoonsiiyay kula dardaarantay inay shaqooyin ku abuurtaan, iyadoo xustay in haweeney walba oo ka mid ah soddonkan haweenka ah lagu koontarooli doono lacagtan, ayna kasii wadi doonaan lacagta la siinayo haweenka si ay shaqooyin ugu abuurtaan.

Munaasabadda ayaa intay socotay waxaa looga hadlay tahriibka, iyadoo dhawaan ay ahayd markii boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay ku geeriyoodeen doon ay ku tahriibayeen oo kula dagtay badda Mediterranean-ka xilli ay tahriib ku jireen.

Tahriibka ayaa waxaa si qoto-dheer uga hadashay Sahro Max'ed Axmed oo ah la-taliyaha dhinaca Sharciga ee Xarunta SWDC, iyadoo qeexday dhibaatada laga dhaxlo tahriibka.

“Waxaa Hubaal ah in Tarhiibka dhallinyarada Soomaaliyeed uu sii socon doono haddii aan laga hortegin. Sida looga hortegi karo tahriibka waa in hooyooyinka ay caruurta ay dhaleen u furaan ganacsiyo iyo wixii ay heli karaan, waayo ALLE ayaa qof walba irsaaq, waana in loo duceeyo dhallinyarada Soomaaliyeeda,” ayay Sahro Maxamed Axmed tiri.

Sahro ayaa waxay ku dartay hadalkeeda inaysan dhallinyarada Soomaaliyeed dheg-jalaq u siin hadallada beenta ah ee loosoo tabinayo, iyadoo xustay inay jiraan kuwo iyagoo dhibaato ku jira been u sheegaya dhallinyarada si ay u tahriibaan, waxayna ku boorrisay dhallinyarada maanta doonaysa inay Tahriibaan inay dalkooda kalsooni ku qabaan oo ay iska joogaan.

“Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee maalmihii lasoo dhaafay ku dhintay badda dalalka Talyaaniga iyo Masar u dhexeeya, waxaan leenahay ALLAHA u raxmado, waayo qof walba meeshii uu ku dhiman lahaa way qoran tahay,” ayay Sahro Maxamed tiri mar kale.

Waxaa kaloo isna Tahriibka ka hadlay C/qaadir Gacal Abkoow oo Bulshada rayidka ka socday, isagoo sheegay in dhallinyarada tahriibaya ay arkeen sawirro ay kuwo kale oo dhibaato adag maray u soo direen, waana wax lala socdo dhibaatooyinka ku kacay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee badda ku dhamaatay oo aan wax laga qabtay aanay jirin.

“Xukuumadda Sudan way ka hadashay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Tahriibaya, iyadoo Dowladda Somalia u sheegtay in 800 ee Soomaalida ahaa ee waxbarashada siisay sannadkan ay ka hareen 100 ruux oo keliya, balse dowladdeennu waa hurdo weyn oo way fududeysatay, haddana waa la hayaa khasaaraha,” ayuu yiri Abkoow oo intaas ku daray in Madaxweynaha Somalia oo la weydiiyay cidda mas’uuliyada dhibaatadan dhacday qaadaya, iyadoo madaxweynuhu uu ku jawaabay inay iyagu leeyihiin, maadaama ay dowladnimo sheegteen.

Abkoow ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somalia inaysan shaqooyinka siin aqoon-yahannada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa wax ku bartay, balse shaqooyinka la  siiyo dadka dibadaha ka yimid ee Diaspora-ha loo yaqaan, taasoo uu xusay inay dhallinyarada ku beertay inay Tahriibaan.

Dhanka kale, Caasho Shaacuur oo iyaduna ka hadashay xafladda ayaa Shirkadda Hormuud uga mahad-celisay dhaqaalaha ay ugu deeqday haweenka Soomaaliyeed ee danta yar, iyadoo ku boorrisay haweenkii lacagta la guddoonsiiyay inay lacagta la siiyay uga faa’iideeyaan naftooda iyo qoysaskooda.

Ugu dambeyn, Waxaa isna goobta ka hadlay C/raxmaan Ibraahim Cilmi oo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud qaybteeda caawinaadda ka socday ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay hawlaha ay qabato haya’dda Hormuud Foundation.

“Carruurtii Soomaaliyeed ee wax lasoo baray inay si sahal ah ku dhintaan ma ahan wax la qaadan karo. Dhanka kale Hormuud Foundation hawsheedu waa inay gacan siiso Bulshada Soomaaliyeed oo wixii ay iyaga ka hesho ay dib ugu celiso,” ayuu ku yiri hadalkiisa C/raxamaan Ibraahim oo intaas ku daray. “Hawlaha  kale ee ay wax ka qabato waxaa ka mid ah waxbarashada carruurta Soomaaliyeed ee Indhaha la’, sidoo kale waxaan ka qayb-qaadanna musiibooyinka ay abaaruhu keenaan, laakiin hadda waxaan doonaynaa inaan u gudubno dhanka waxbarashada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.”

Gaba-gabadii C/raxmaan Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in bulshada la kobciyo inay tahay arrin wanaagsan... Barnaamijkaan ay SSWC maanta soo bandhigtayna waa mid wanaagsan, wuxuuna qayb ka qaadanayaa kobcinta bulshada Soomaaliyeed. Isagoo haweenkii dhaqaalaha la siiyay ku boorriyay inay iyagu wax is-taraan ayna bulshada inteeda kale wax taraan.

Si kasta ha ahaatee, Haweenka 30-ka ahaa ee Maanta min 500 ee doollar la Guddoonsiiyay maanta ayaa ka mid ahaa haweenka Soomaaliyeed ee danta yar, iyadoo madaxdii ka hadlay goobta ay dhammaantood ku boorriyeen inay lacagta la siiyay mid badan kasoo saaraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya