4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
QM oo Shaacisay in Guddi loo Saaray Baarista Mashaqadii ka dhacday Badda Mediterranean-ka


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Afhayeenad u hadashay Hay’ada Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa shaaca ka rogtay in baaritaanka tirada dadkii la socday doonidii ku degtay Badda Mediterranean-ka iyo tirada ku dhimatay musiibayadaas loo saaray guddi gaar ah.

Ariane Rummery oo ka hadashay shirka Golaha Ammaanka ee QM, ayaa intaas ku dartay inay daba-galkeeda muusiibadaas u saareen guddi baaraya sidii mashaqadu ay u dhacday, sababta iyo tiradii ku dhimatay oo Soomaali u badanaa.

Sidoo kale, Afhayeenadu waxay xustay in guddigu ay gaaran dalka Giriiga si macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Mashaqadaan dhacay ay u helaan, iyagoo la kulmi doona dadkii ka badbaaday shilakn iyo sidoo kale ilo ka madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii Madaxweynaha Somalia uu Beesha Caalamka ka dalbaday inay qayb ka qaataan baaritaannada dadkii mashaqadaas ku naf-waayay, gaar ahaan dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Tahriibka ahaa.

Dhanka kale, Bishaan Bartamaheedii ayay ahayd markii ay Boqollaal Tahriibayaal ah oo u badan Soomaali ku Geeriyoodeen Badda u dhexeeya Dalalka Talyaaniga iyo Masar, taasoo si weyn looga dareemay Soomaaliya oo dhan.

Ugu dabmeyn, Weli wuxuu jah-wareer ka taagan yahay tirada Soomaalida ku Geeriyooday Shilkan ka dhacay Badda Mediterranean-ka, kaddib markii ay degtay doon ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay in ka badan 400 oo qof oo tahriibayaal ah, inkastoo Xukuumada Somalia ay sheegtay inay mashaqadaas ku dhinteen ku dhawaad 200-qof oo Somali ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya