4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Dullinka HIV/AIDS oo Weli Khatar Ku Ah Afrika

Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL)-Hayada dhaqaatiirta aan xadduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in afar meelood meel dadka qaan gaarka ah ee qaba dullinka HIV/AIDS ee kunool galbeedka iyo bartamaha Afrika aysan haysan daawooyin kufilan.

Waxay MSF intaa kudartay in 90% carruurta qaba dullinkaa aysan helin adeegyo caafimaad oo kufilan.

MSF ayaa walaac ka muujisay in uusan jirin dadaal dullinka HIV lagu joojinaayo faafitaankiisa galbeedka iyo bartamaha Afrika inta ka horeysa ama wixii loo gaaro 2020.

Warbixin ay hayadaasi MSF soo saartay dhawaan ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 5 milyan oo qof oo kunool Afrika oo qaba dullinkaa aysan helin daawooyinka kaalmaatiga ah ee lagu dhimo xanuunka.

Si kastaba ha ahaatee dadka feyraskaas qaba ee kunool galbeedka iyo bartamaha Afrika ayaa ka yar kuwa qaba dullinkaa ee kunool qaarada dhankeeda koofureed oo uu dullinkaasi dadka dhexdiisa aad ugu badan yahay gaar ahaan dalka Koofur Afrika.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.