4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
MADAXWEYNAHA: Doorashada Sannadkan Waa Cashar lagu baran Doono Dimoqraadiyadda


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somalia 47-sano kaddib ay ka dhacayso Doorasho, Tallaabadaasna ay Dhiirri-gelineyso dib u soo kabashada siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay Machadka Arrimaha Amniga Mareykanka (United States Institute of Peace) ee Washington, halkaasoo uu khudbad arrimo ku saabsan  Soomaaliya uga jeediyay 400 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno, saraakiil iyo dadweyne kale.

“Dib u soo kabashada Somalia waxaa door-weyn ka qaatay ciidamada AMISOM). Taageerada ay inoo fidiyeen ayaana inaga caawinaysa inaan oorashooyin qabano sannadkan. Doorashadan ma ahan mid toos ah, balse waxay cashar u tahay bulshadeennu inay wax ka bartaan Dimuqraadiyadda, maadaama intooda badan aanay weligood arkin doorasho. Horay waxaa xulasho u sameyn jiray odayaasha dhaqanka oo gaaraya 135, haatanse tiro dad ah oo cayiman ayaa wax dooran doonta,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in hawlaha ugu muhiimsan ee hor-yaalla hadda ay yihiin hirgelinta iyo dhameystirka nidaamka federaalka, in dalka la gaarsiiyo dimoqraadiyad dhameystiran iyo dib u eegis lagu sameynayo dastuurka dalka, bisha soo socotana shirweyne arrimaha dastuurka la xiriira uu ka furmi doono magaalada Garowe.

Dhanka Ammaanka mar uu ka hadlay ayuu sheegay in awooddiii Al-shabaab si aad u weyn loo wiiqay loo weyn loo wiiqay, haatanna loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada Somalia si ay hawsha ugala wareegaan ciidammada AMISOM, oo uu sheegay inay wax badan dalka u qabteen.

“AMISOM ku dhawaad toban sanno ayay waddankeenna joogtaa, weligoodna ma sii joogi doonaan. Waxaa la joogaa waqtigii aan diyaarin lahayn hannaankii AMISOM ay kusoo afjari lahayd hawlgalkeeda Somalia, loona diyaarin lahaa in ciidankeena ay waajibaadkaasi si buuxda ula wareegaan. Dhanka kalena waxaan dalka u diyaarinay markii ugu horeysay barnaamij la xiriira siyaasadda amniga qaranka oo dowladda dhexe iyo maamullada ay wada darsayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxwene Xasan ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay xiriirka u dhexeeya dalalka gobolka, waxaanu sheegay inuu jiro fikir ku saabsan xoojinta iskaashiga wax wadaqabsi ee gobolka, gaar ahaan in la sameeyo suuq cusub oo dhaqaale oo ay yeeshaan Soomaaliya, Ethiopia, Sudan iyo Djibouti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya