4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
Baroor-diiq Muqdisho loogu sameeyay dhallintii Soomaaliyeed ee ku Dhintay Mediterranean-ka
Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Ururka Haweenka Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan ay isugu yimaadeen tiro haween ah oo ka kala socday  bulshadda rayidka, haween ka yimid Qurbaha sida Wadamadda Canada iyo Sweden, kulankaas oo loogu Baroor-diiqayay Musiibadii ku dhacday dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay Badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya,
kuwaasoo ku jiray safar ay ku tahriibayeen.

Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay shucuubtooda ku aaddan dhibaatada ku habsatay 400 ee tahriibe ee naftooda ku waayay Biyaha Badda u dhaxeeysa Talyaaniga iyo Liibiya, xili ay doonayeen inay gaaraan Qaarada Yurub.

Sidoo kale, Haweenkan ayaa tacsi u diray eheladda dadkii ku geeriyooday badda ee soomaalida ahaa waxa ayna ugu baaqeen dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyadda ka jira dalka soomaaliya in ay qeyb libaax leh qaataan sidii looga hortagi lahaa tahriibka iyo saameynta uu ku leeyahay dhalinyadda Soomaaliyeed.

Caasho Saciid Jaamac oo ka mid ah Haweenka ka yimid dalka Canada ahna madaxa isku xirka haweenka iyo arimaha bulshadda ee xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomaaliya, ayaa Hadal ka jeedisay Madasha waxa ayna tiri “ Waa wax laga xumado in da’yarta soomaaliyeed si aanan xisaab laheyn ugu geeriyoodaan baddaha waana muhiim in laga hortago tahriibka ”

Dr Duniya Xaashi Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirka ka timid Sweden ayaa sheegtay in qurbaha aanan waxbadan lagu heyn, aysan jirin wax dalka dhaama waxa ay tiri “ waxaa tusaale idiinku filan da’yarta iyo dadka meel dhaxaadka ee wadanka dib ugu soo laabanayo dowladda waa in ay shaqo u abuurtaa dhalinyaradda soomaaliyeed. “

Maryan Aadan Amiin oo ah Agaasimaha arimaha bulshadda ee Xafiiska ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegtay in ka xafiis ahaan ay xooga saarayaan sidii lagu heli lahaa macluumaad buuxa oo ku saabsan soomaalida ku dhimatay badda u dhaxeysa Italy iyo Libya .

Muna oo gudoomiye u ah ururka  Dhalinyadda gobolka Hiiraan ayaa ku baaqday in dhalinyadda soomaaliyeed ay u istaagaan horumarinta dalkooda intii ay si xisaab la’aan ah ku dhiman lahaayeen badda.

Ugu Danbeyntii gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa tiri “ Haddii aan nahay haweenka soomaaliyeed aad ayay noo gubeysaa in dhalinyaradda soomaaliyeed ay noqdaan kuwa ku geeriyooda baddaha waa in aan uwada guntanaa sidii aan u joojin laheyn tahriibka.

Baroordiiqdan ay sameeyeen haweenka soomaaliyeed iyo tacasiyeenta ayaa imaaneysa waqti madaxda dalka ay ka tacasiyeeyeen in kastoo ay sheegayaan in ay xooga saarayaan sidii lagu heli lahaa tirade soomaalida ee biyaha ku maqan wallow qeyb ahaan la ogaaday.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya