4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
SAWIRRO: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta Xarigga ka jaray Dhisme Wasaaradeed
Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Puntland , C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland.

Munaasabadda Xarig-jarka xaruntan cusub waxaa ka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, ku-xigeenkiisa, Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Agaasimayaal iyo Mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale, intii ay socotay xafladda, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo ay Wasaaraddu soo aabaabushay, kana qayb-qaadanayeen dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jiray.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland , C/xakiim Camey, ayaa sheegay in dhismahan uu xarigga ka jaray maanta uu muddo toban bilood ka hor ah la dhagax-dhigay, taasina ay muujinayso sida xukuumadda Puntland ay uga go’an tahay hormarinta Wasaaradaha Puntland.


Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudhaha Puntland kula dar-daarmay  inay dar-dar-galiso howlaheeda shaqo.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya