4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
Askari ka tirsan ciidammada dowladda oo qof shacab ah xalay ku dilay magaalada Beledweyne


Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Askari ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya, ayaa xalay ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xusseen Max'ed Cali ( Xusseen Qoono) oo ahaa nin dhalinyaro ah oo siweyn looga garanayay guud ahaanba magaalada.

Dad la socday waqtiga la dilay marxuumka ayaa HOL u sheegay in barkoontarool oo ciidammada ku sugnaayeen xaafadda Buundo-weyn askariga si bareer ah ugu toogtay marxuumka, xili askarta kale  ay ku howlanaayeen baaritaan inta badan lagu sameeyo dadka isaga kala gudba xaafadda Buundo-weyn.

Ciidammadii dowladda ayaa la sheegay in markiiba ay gacanta ku dhigeen askariga dilka geystay, oo hadda ku xiran xarunta nabad-sugida.

Alle ha u naxariisteen Xusseen Qoono ayaa ka tirsanaa shaqaallaha shirkada Amaana ee magaalada Beledweyne, dhaca kalana waxaa uu ahaa shaqsi siweyn ugu taqasusay maadada IT -ga ama cilmiga Computer -ka, waxaana dilkiisa ka naxay inta badan dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya