4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
Ciidan ka Tirsan Dowladda oo Dad Rayid ah ku Dilay Degmadda Hodan.

Arboco, Abriil 20, 2016 (HOL) - Saddex ka tirsan  Ciidamadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa xooga dalka ayaa goorsii horeysay waxa ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah kaasi oo marayay Xaafadda Warshadda Caanaha ee degmadda Hodan sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen .

Rasaasta la furay waxa ay sababtay dhimashadda saddex ruux iyo dhaawaca qof , dadka dhintay labo ka mid ah waxa ay ahaayeen carruur, da’dooda waxaa lagu sheegay 6 sano jir iyo sano  9 jir halka qofka kale uu ahaa 20 sano jir.

Laamabaha amaanka ee dowladda soomaaliya oo goobta ay dhacdada ka dhacday gaaray  ayaa gacanta ku dhigay saddexda askari ee geestay falka dilka ah waxaana lagu wareejiyay maamulka dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Afahayeenka maamulka dowladda hoose C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamadda geystay falka dilka ah ee ka tirsan ciidanka xooga soomaaliya waxa uu sheegay in la hore geen doono cadaaladda .

Muqdisho waxaa ka dhaca mararka qaar falal noocaani oo kale ah in kastoo mudooyinkii ugu danbeeyay laga baaqsaday in ciidan  ka tirsan dowladda ay rasaas hubiyaan shacab aanan waxba galabsan u jeedo la’aan, balse waxaa la sugayaa sida askartaasi cadaaladda loo mariyo.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya