4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif oo Jiddah kula kulmay Madaxa Bangiga ISLAAMKA

Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo safar ku jooga dalka Saudi Arabia, ayaa Magaalada Jeddah kula kulmay Qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Ahmad Mohamed Ali Al-Madani, iyagoo kawada hadlay arrimo la xiriira xoojinta samafalka ah ee ay Hay'ada Samadoon Foundation ka waddo gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan Bangiga Horumarinta Islaamka iyo xubno ka socda Samadoon Foundation oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha hay'adda Prof. Warfaa.

Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka, Axmed Al-Madani ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hay'adda Samadoon Foundation iyo Samafalka ay waddo oo uu sheegay inay yihiin kuwo qayb weyn ka qaadanaya Samatabixinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in wixii kaalmo ah ee ay Somalia ugu talo-galeen ay marsiin doonaan Hay'adda Samadoon Foundation.

"Bangiga Horumarinta Islaamka, waxaa ka go'an inuu gacan weyn ka geysto Horumarinta Soomaaliya iyo arrimaha Samafalka, isla markaana ay Hay'adda Samadoon Foundation la shaqeyn doono," ayuu yiri Ahmed Mohamed Ali Al-Madani.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sh. Axmed ayaa isna soo dhaweeyay Casuumaadda uu Bankiga Horumarinta Islaamka u fidiyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo ka warbixiyay xaalada xilligan Somalia ka taagan iyo sida looga qayb-qaadan karo Samafalka Soomaaliya.

"Hay'adda Samadoon Foundation waxay diyaar u tahay inay Samafalka Soomaaliya kaalin muuqata ka qaadato, waxaana wax ka qaban doonnaa Waxbarashada, dib u heshiisiinta iyo baahida Shacabka Soomaaliya ay qabaan," ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa horay u soo maray Dalalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo ay Mas'uuliyiintooda kala hadleen wax ka qabashada baahiyaha Shacabka Soomaaliyeed ay qabaan xilligaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya