4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2016
Raila Odinga oo La Kulmay Qaar Ka Tirsan Ganacsatada Soomaalida ee Kenya

Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee Kenya ee CORD, Raila Odinga ayaa maanta la kulmay qaar ka tirsan ganacsatada Soomaalida ee Kenya ku dhaqan.

 

Sidoo kale ayaa waxaa Raila Odinga oo horeyna u ahaan jiray raisul wasaaraha Kenya uu maanta la kulmay qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha qowmiyada Soomaalida ee degmada Kamkunji ee caasimadaan Nairobi ee Kenya.

 

Raila ayaa dhammaan ganacsatadaas iyo hoggaamiyeyaashaa qowmiyada Soomaalida ku qaabilay Orange House (Aqalka Oranji) oo sida magaca laga dheehan karo ah xarunta xisbigiisa Orange Democratic Movement -ODM ayagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ganacsatadaas iyo Soomaalida saamaynaya.

 

Sida lagu xusay war qoraal ah oo kasoo baxay Orange House, arimahaa ayaa waxaa kujiray ay ka wada hadleen dhibaatada lasoo darista Soomaalida Kenyanka ah, in laga takooro inta kale ee Kenyanka ah waa sida hadalka loo dhigaye ayadoon si habsami ah loogu soo saarin kaararka aqoonsiga ee qaran iyo siinta biio wanaagsan oo ganacsi.

 

'Waxaan ballan qaaday inaan isu keeno xildhibaanadeena si ay usii wadaan difaacida sinnaanta dhanka sharciga ah sidii ay horeyba usameeyeen markii ay kasoo horjeesteen sharuucda wax cadaadinayay ee ammaanka anigoo sii wadi doona siditaanka calanka caddaalada loogu tala galay dadka la xagliyay'. Raila ayaa sidaa yiri.

 

Wuxuu sidoo kale Raila ballan qaaday inuu hawlin doono Dawlad Deegaanka Nairobi si loo xaqiijiyo in dhibaatada jirta ee kusaabsan biio-da shaqo uu si waafi ah wax uga qabto gobarnatooraha Nairobi,  Dr Evans Kidero.

 

Qore: Aaden M Warsame

[email protected]