4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Puntland oo Xero Ciidan ka dhisaysa Deegaanka Garacad oo Al-shabaab ay horay uga soo dagtay


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Wafdi u hogaaminayo wasiir-u-dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, Cabdiraxmaan Ow-Jaamac Kulmiye ayaa maanta Gaaray deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug oo ay bishii hore weerar kusoo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Xubnaha Wafdiga Wasiir-u-dowlaha waxaa ka mid ah; Agaasimaha Hay'adda Ciidamada Badda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, Admiral C/risaaq iyo Xubno kale oo ka socday socda dowladda Puntland.

Sidoo kale, wafdi ayaa HOL u sheegay in halkaas ay u tageen dhax-dhigga xero Ciidamada Puntland ay leeyihiin, iyadoo horay loogu Wareejiyay dhulkii laga dhisi lahaayeen xeradan ciidan, si looga hor-tago bay yiraahdeen weerarkii ay Al-shabaab soo qaadday oo kale.

Wasiir-u-dowlaha Kulluumaysiga Puntland, ayaa sheegay in Puntland ay ka go'an tahay in ay difaacdo Badda Soomaaliya, waxaana Dadka deegaanka Garacad uga mahad-celinaynaa buu yiri soo dhaweyntii ay noo sameeyeen.

Agaasimaha Hay'adda Ciidamada Puntland, ayaa isna sheegay in Garacad ay noqon doonto Deegaanka ugu Waa-weyn ee ay deggen yihiin Ciidmada Badda Puntland, si ay Xeebaha u difaacaan.

Ugu dambeyn, Xeradan Puntland ay ka dhisayso Garacad, ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib Markii kooxo ka tirsan Al-shabaab ay 14-kii bishii Maarso ee 2016, kasoo dageen halkaas, kuwaasoo markii dambe looga adkaaday dagaal ay ciidamada Puntland la galeen.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya