4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2016
Eedeysanayaashii loo Haystay Qaraxii Diyaaradii DAALLO oo lasoo taagay Maxkamad (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta billowday dhageysiga dacwo loo heysto 13 eedeysane oo loo heysto weerarkii Qaraxa ahaa ee Febraayo Sannadkan ka dhex-dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airline, inkastoo dib loo dhigay dhageysiga dacwaddooda.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankan Hay'adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa ajnabi ah, kuwaasoo baaritaanno ku hayay 13-ka qof ee maxkamadda la horkeenay maanta tan iyo markii uu weerarku dhacay.

Sidoo kale, eedeysanayaashan 13-ka ah ayaa waxaa ku jiray saraakiil Laamaha Ammaanka garoonka diyaaradaha Muqddisho ka tirsanaa, shaqaale ka hawl-galayay garoonka, xamaali iyo dad kale oo loo haystay inay wax ka abaabuleen weerarkaas fashilmay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] ayaa dib u dhigay dhageysiga dacwada, isagoo xusay in mar kale dib la isugu soo laabto oo la dhageysan doono dacwadda.

Dhanka kale, Weerarkii lagu qaaday diyaaraddii Daallo Airline 02-dii Feberaayo 2016-ka, ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna ku sheegeen bayaan ay soo saareen inay beegsanayeen saraakiil Sir-doonka reer galbeedka la shaqeeya oo diyaaradda saarnaa.

Qof ka mid ah Rakaabkii Ddiyaaradda ayaa ku dhintay Qaraxa, kasoo markiiba la sheegay inuu ahaa qofkii qaraxa fuliyay, isagoo ka dhacay diyaarada, sidoo kalena wuxuu dhaawac kasoo gaaray laba ruux oo kale, iyadoo diyaaraddu xilligaas ay ku socoday Dalka Jabuuti, iyadoo ka duushay garoonka diyaaradaha Xamar.

Ugu dambeyn, Eedeysanayaasha maanta maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor-keenay ayaa waxaa kashifay kaamirooyinka qarsoon ee garoonka ku xiran, iyadoo la arkay qaar ka mid ah Laptop u gudbinaya Ruuxii Qaraxaas ku Geeryooday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya