4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Wasiirka Cadaalada Puntland oo ku dhawaaqay mar kale isku soo bax Roob-doon ah (Dhageyso)


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, isagoo ay Wehlinayeen Culumada Puntland ayaa maanta mar kale ku dhawaaqay isu-soo-bax roob-doon ah oo lagu qabto Puntland.

Wasiir Saalax ayaa xusay inay sii xoogaysanayso abaaraha ka jira gobollada Puntland, loona baahan yahay in la badiyo baryada RABBI, si abaaraha qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale, Guddoomiyaasha Gobollada Puntland iyo Culummaa'uddiinka ayuu Wasiirku ka codsaday inay qayb weyn ka qaatan isku soo baxa Roob-doonka ah oo uu Sheegay in Puntland oo dhan lagu qaban doono 25-ka bishan oo ku beegan maalinta isniinta ah ee soo socota.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa'id ee Wasiirka Cadaaladda Puntland;

Dadka Ruugaaga ah ee ku nool gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Sool, Sanaag iyo Gardafuu ayaa waxaa haysta baad iyo biyo la,aan sameeyn ku yeeshay Dad iyo Duunyaba.

Ugu dambeyn, Roob-doonka uu Maanta ku dhawaaqay Wasiirka Cadaalada Puntland ayaa noqonaya midkii labaad oo Sannadkan gudihiisa lagu qabto deegaanada Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe-Soomaaliya