4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Madaxweyne Xasan oo Maanta Golaha Amaanka ee QM Warbixin ka Siinaya Xaaladda Somalia


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu Golaha Amaanka ee QM warbixin ka siiyo Xaaladda Siyaasadeed, Amni iyo Arrimaha kale ee dhinaca Horumarka ee ka socda Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo Xalay gaarey Magaalada New York ee Mareykanka, ayaa Warbixintiisa diiradda ku saari doonaa doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya Sannadkan 2016-ka iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada ah.

Sidoo kale, Maalinta berri ah ayuu madaxweynuhu khudbad xaaladda Somalia iyo halka ay marayso ku saabsan ka jeedin doonaa Machadka Caalamiga ah ee United States Institute of Peace ee magaalada Washington.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale 22-ka Bishaan ka mid noqonayaa Madaxda Caalamka ee xarunta QM ee New York, ku saxiixi doona Heshiiska cusub ee is-beddelka Cimilada Adduunka ee Paris Agreement, kaasoo hoos imaanaya barnaamijka Qaramada Midoobay ee United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC).

Hindisaha heshiiskan cusub ayaa la isku raacay 12-kii bishii December Sannadkii 2015-kii, isagoo si rasmi ahaan u dhaqan-galayaa marka ay hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha ka ah QM ay qalinka ku duugaan maalinta Jimcaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale la filayaa intuu joogo Mareykanka inuu kulamo la qaato qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo dublamaasiyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya