4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
SAWIRO: Madaxweyne ku xigeenka PL iyo wafdi ka socda QM oo ka hadlay Abaaraha Puntland

Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta Garoowe kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay isku duwidda QM u Qaabilsan Arrimaha gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Peter de Clercq ahna ku xigeenka wakiilka QM ee Somalia.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Hay’adda Waddooyinka Puntland, Taliska Ciidanka booliiska Puntland iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, wasiirro, halka dhinaca hay’adaha QM ay ka qayb-galeen Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somalia, Madaxa UNDSS ee Somalia iyo Saraakiil ka socotay hay’adaha WHO, IOM iyo UNAIDS oo Dhamaantood ka mid ahaa Wafdigii uu Hor-kacayay Peter de Clercq.

Wafdigan uu hoggaaminayay Peter de Clercq ayaa ujeedka socdaalka, waxaa lagu sheegay inuu yahay ka qayb-qaadashadda gurmadka abaaraha ka jira Puntland, doorkii ay ka qaadan karaan hay’adaha QM ee abaaraha Puntland iyo dar-dargelinta mashaariicda ka socota Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa xusay in shacabka & xukuumada Puntland ay wadaan dadaallo ay wax ku gaarsiinayaan Dadka ay Abaaruhu saameynta ku yeeshen, isagoo intaas ku daray in doorkii hay'adaha QM ay meesha ka maqan tahay.

Sidoo kale, Peter de Clercq ayaa sheegay in Hay'adaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Aadanaha ay la socodsiiayay abaaraha ka jira Puntland, dhawaanna wax laga qaban-doono.

Ugu dambeyn, Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo u qaybsanaya Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani'aadamnimada Peter de Clercq ayaa imaanaya ay Puntland ka taagan yihiin abaaro ba'an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garowe-Soomaaliya