4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia oo Joojisay dal ku galka Visa-ha lagu tago dalka Sudan


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa maanta Joojisay (Visa) ama dal-ku-galka lagu tago dalka Suudaan, si loo yareeyo Khatarta ay dhallinta Soomaaliyeed ee ka tagaya Somalia ay kala kulmayaan badaha, Qaadashada Dal-ku-galka dalka Sudan, taasoo u sahlaysa dhallinyarada Soomaaliyeed inay Masar iyo Liibiya uga sii gudbaan si ay uga tahriibaan.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow oo Maanta ku qabtay shir Jiraa’id xarunta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Muqdisho, ayaa sheegay inay maanta joojiyeen dal-ku-galka lagu tago dalka Suudaan.

"Waxaan ka xunnahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 400 ee ruux ee ku maashooday Badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub,waxaa ay na soo xasuusineysa wixii dhacay 91-dii waxaan ku dadaaleynaa in aan badbaadino Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Badda ku dhamaanaya," ayuu yiri Janeraal C/llaahi Gaafow.

Taliyaha ayaa sidoo kale Baaq u diray Maamulada Soomaaliland iyo Puntland baaqaas oo ku aadan in ay Hubiyaan Dadka ay siinayaan Visa-ha lagu aadayo Dalalka laga Tahriibo,waxaana uu intaa ku daray in Qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu badbaadiyo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waa muhiim in dadaal wadajir ah la galiyo joojinta socdaalka aanan sharciga aheyn ay dhalinyadda soomaaliyeed ku aadayaan wadamadda shisheeye.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya