4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Dagaal ka socda dulleedka Degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo dad ku Geeriyooday


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Hooyo iyo Afar carruur ah ayaa ka mid ah Dadka lagu dilay dagaal ka socdo duleedka magaaladda Marka ee Xarunta gobolka Shabeelaha Hoose dagaalka ayaa u dhaxeeyo labo malleeshiyo beeleed wada dega magaaladda Marko Qeyb ka mid ah.

Hooyadda iyo 4 Carruur ah oo ay dhashay ayaa lagu gubay guriga, Magaalada Marko ayaa la sheegayaa in iyadana xalay Dab la qabadsiiyay Guryaha qaar ee magaalada.

Oday ka mid ah Dadka degaanka oo magaciisa ku koobay Xasan ayaa sheegay in dagaal uu ka socdo Magaalada Marka islamarkaana uu jiro Barakac ka socda Magaaladaasi.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay inay la kala safteen dhinacyada ku dagaallamaya Marka, waxaana uu intaa raaciyay in ay Ciidanka Dowladda ee jooga Magaalada diideen in ay kala dhex galaan dhinacyada dagaallamaya,waxaana uu ku micneeyay in ay yihiin Ciidanka DF sidaas darteedna aysan ku lug yeelaneyn dagaalka ka socda Magaaladaasi.

Odayaasha degaanka ayuu sheegay in ay ku daaleen kala qabashada Beelaha Saddex Sano ee la soo dhaafay ku dagaallamayay Magaaladaasi walina aysan dowladda iyo waxgaradka marka xal dhameystiran ka gaarin dagaal beeleedyadda mararka qaar ka dhaca magaaladda marko ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya