4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Madaxweyanaha Puntland oo Safiirka Masar u fadhiya Itoobiya kala Hadlay Maal-gashiga Puntland


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) —
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar ku jooga Addis Ababa xarunta Itoobiya, ayaa kulan la qaatay Danjiraha dalka u fadhiya Itoobiya iyo ganacsato Masaari ah oo hawlo ganacsi u jooga dalkaas.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Gacanacsiga iyo Warrshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha, waxaana ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Danjruhu sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Masar iyo Puntland, isla markaana ay masar xilligan maalgashi ugu samaysan lahayd Puntland.

Safiirka ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo waftigiisa isla markaana wuxuu sheegay inay fursad muhim ah u tahay dawladda Masar in ay maal-gashiyo ku samaysato waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo uu masar kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah isla markaana qarniyo soo jirey.

Sidoo kale safiirku waxaa uu sheegay in ay dhawaan safar shaqo ku tegi doonaan Puntland si ay u soo arkaan fursadaha maal-gashi ee ka bannaan iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida dekedaha iyo garoomada diyaaraha oo ah waddooyinka fududaynaya xiriir ganacsi oo dhex mara Puntland iyo Masar.

Madaxweynaha Puntland ayaa geestiisa sheegay Puntland in ay ka jirto nabad iyo xasilooni gaamurtey, taasoo dhiirri gelineysa in shirkado caalami ah ay maal-gashiyo ku samaysan karaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu warbixin kooban ka siiyey Danjiraha iyo ganacsatada Masaarida ahba horumarka xawliga ku soconaya ee Puntland gaar ahaan Garoomada diyaaradaha Puntland oo u diyaarsan qaabka garoomada caalamiga ah ee dunida hore u martay.

“Shirkado caalami ah oo maal-gashiyo ku samaysta Puntland waxa fursado shaqo ka heli kara  boqollaalka arday ee sannad walba ka qalin jebinaya Jaamacaha gudaha iyo dibadda, isla markaasina in badan oo kamid ah ay la kulmaan  shaqo la’aan baahsan “ ayuu ugu danbeynyiri Madaxweyne Gaas.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya