4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia oo ka hadashay Mooshinka ka dhanka ah Dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) —
Xili baarlamaanka Somalia uu hor-yaallo mooshin ka dhan ah shirka Maamulka loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, ayna xildhibaannada baarlamaanku ku kala aragti duwan yihiin ayaa waxaa ka hadashay xukuumadda federaalka Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukumadda Somalia ayaa sheegtay in mooshinka ay ka war-qabaan, balse ay habooneyd in xildhibaannada intii aysan Mooshinka keenin ay u yeeraan Wasiirka Arrimaha Gudaha si wax looga weydiiyo Dhismaha Maamulka iyo qaabka loo maray.

Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya looga bartay in ay keenaan Mooshinka Nuucaan oo kale ah islamarkaana aysan hadda Cusbeyn.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa intaa raaciyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay ka warheyso qaabka ay uu u socdo Shirka maamul u smaeynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, balse taasi badalkeeda looga baahan tahay in ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya u yeeraan ,maadaama uu wasiirku wax badan qabtay Xog ogaalna uu yahay.

Ugu dambeyn, Ka-sokow hadalkan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federlka Soomaaliya ma aysan suurta noqon in baarlamaanka ay soo af-meeraan mooshinka ay ku dalbanayaan qaar ka mid ah xildhibaanadda in hakad lagaliyo shaqada dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya