4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2016
Kenya: Kooxo hubeysan oo gabar Soomaali ah ku dilay Kakuma

 

 

 

Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL)-Koox hubeysan ayaa fiidnimadii habeen hore toogasho ku dilay gabar dhalinyaro ah oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Kakuma ee kutaal waqooyiga galbeed ee Kenya.

 

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Ali Cumar. Weerarkaasi ayaa ka dhacay Xaafadda Sona 6, waxaana uu qeyb ka yahay weeraro dhawaanahaan kusoo noqnoqday xerada Kakuma.

 

Hooyada dhashay gabdha la dilay oo lagu magacaabo Xalwo Maxamed ayaa warfaafinta uga warantay sida ay wax u dhaceen.

 

Hooyadaan ayaa codsatay in wax laga qabto dhibaatoyinka ay dadka qaxootiga ah ee xerada Kakuma la kulmaan oo ah kuwo soo laablaabtay.

 

Dhawaan ayey ahayd markii ay dabley hubeysan nin ku dileen isla xerada Kakuma iyagoo falal kufsi ah u geystay xaaskiisii iyo gabar uu dhalay.

 

Waxaa kaloo jira dad badan oo halkaa burcad ay ku dhawaaceen dhawaan oo qaarkood inta loo soo qaaday Nairobi lagu dabiibayo xaafada Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.