4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
SAWIRRO: Soomaalida Minnesota oo Taageero Xoog leh u Muujiyay Ilhaan Omar (DAAWO)

Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Ilhaan Omar oo u Sharraxan xilka xildhibaanka Aqalka Hoose ee Gobolka Minnesota, Guul weyna ka gaartay labadii doorasho ee kala duwanaa ee dhawaan ka dhacday Minnesota, ayaa kulan lagu taageerayo lagu qabtay xarunta Kalsan ee Magaaladda Minneapolis.

Kulankan oo ay ka Qayb-galeen xubnaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa lagu taageerayay guulahii Ilhaan looguna diyaar-garoobayay doorashada ku noqodka ah ee xubintii xisbiga u tartami lahayd bisha Ogoosto ee sannadkan sida HOL uu u u sheegay Xabiib Abshir Faarax oo xubin ka mid ah dadka ka shaqeenaya ololaha Ilhaan Cumar

Sidoo kale, Ilhaan Omar ayaa doorasheeda aad laagu rajo wayn yahay inay guul ka gaarto, haddii ay noqoto xaafadaha ama goobaha aadka looga taageersan yahay waxaana ka mida ardayda Jaamacadaha, Haweenka Soomaalida ah oo aaminsan in sanadkan ay tahay sanadkii qof haweenay ah ay xil u qaban lahayd una soo baxi lahayd ganacsatada iyo dhallinyarada.

Xafladda soo dhaweynta ah ayaa waxaa ka hadashay Muhiim M. oo ah gabar si aada uga shaqaynaysay ololahaan, waxayna ka codsatay in la is qoro la is-diiwaan-geliyo in lagu dhiiri-geliyo dadka inay codkooda siiyaan Ilhaan Cumar kuna taageeraan dhaqaalo.

Dr. Abiib Muse oo ka mida dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee deggen Minnesota ayaa aad u taageeray doorashada sheegayna in loo baahan yahay in Ilhaan loo soo baxo hiil iyo hooba lala garab istaago waxuu kaloo sheegay in wax wayn ay soo kordhin karto ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay waxyaabaha ay doonayso inay wax ka qabato dhinacyada caafimaadka, ganacsiga, arrimaha dhalinyaradda iyo sidoo kale kuwa xabsiyadan ku jira oo ay doonayso inay u samayso barnaamijyo horumarineed.

Kulankan, waxaa aad looga hadlay sababahii keenay in Ilhaan Cumar ay ku waydo lixdii cod ee ay ugu gudbi lahayd inay noqoto musharaxa xisbiga Dimuruqaadiga, waxaana dusha looga tuuray in shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota oo aad u kala qaybsan xaga doorashada.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis, Minnesota