4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2016
Xoghayaha Guud ee QM ka dalbaday Madaxda South Sudan inay Dhaqso kusoo dhisaan Xukuumad


Talaado, Abriil 19, 2016 (HOL) — Iyadoo la filayo inuu maanta dib ugu laabto magaalada Juba ee caasimadda dalka South Sudan hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Riek Machar, kaddib markii uu ka baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa Jubba, ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ugu baaqay Hoggaanka Waddankaas inay si dhaqso ah kusoo dhisaan xukuumad KMG ah.

Ki-Moon ayaa xusay in dhismaha xukuumad ay tahay sidii lagu soo af-jari lahaa colaadihii dalkaas ka socday labadii sano ee u dambeeyay, kuwaas oo ay ku naf-waayeen kumannaan qof, tiro kalena lagu barakiciyay.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa wadahadallo uu taleefoonka kula yeeshay Kiir iyo Machar wuxuu ku adkeeyay inay xukuumadooda ka qayb-geliyaan intii qaybta ka ahayd heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay sannadkii hore.

Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir ayaa mar kale u magacaabay xilkii madaxweyne ku xigeenka hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas, Riek Machar oo tan iyo dhammaadkii sannadkii 2013-kii ay dagaallo u dhexeeyeen.

Inkastoo, Dadaal weyn ay dhinacyadu ugu jiraan Meel-marinta Heshiis ay kala Saxiixdeen, ayaa hadana qaybo ka mid ah dalkaas waxaa weli ka sii socda iska-horimaadyo u dhexeeya xoogagga mucaaradka iyo kuwa xukuumadda, inkastoo madaxda labada dhinac ay Dadaal ugu jiraan xallinta colaadahaas.

Ban Ki-Moon ayaa ku ammaanay madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir go'aanka geesinimada leh ee uu qaatay, kaddib markii uu madaxweyne ku xigeenka dalkaas u magacaabay hoggaamiyaha mucaaradka ah ee uu ka dhexeeyo xifaaltanka.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM ayaa soo dhaweeyay go'aanka uu dib ugu laabanayo magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, si uu ugu dhaarto xilka madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

"Waxaan idin ku boorrinayaa labadiina dhinac inaad dhistaan xukuumad KMG ah oo ay qayb kawada yihiin mucaaradka iyo xukuumadda," ayuu Ki-Moon u sheegay Kiir iyo Machar intii uu taleefoonka kula hadlayay.

Ugu dambeyn, dalka Koonfurta Sudan oo xorriyadiisa ka qaatay dhawaan dalka Suudaan ayaa waxaa ka jira jahwareer dhanka maamulka ah, kaddib markii lagu murmay awoodda xukunka dalkaas Dunida ugu yar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya