4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2016
Xildhibaano Maanta ka hor-jeestay in la Ansixiyo Qorshaha Fadhiga Baarlamaanka

Waxaa Baarlamaanka looga hadli lahaa dhaqaaq siyaasadeedka (Mooshin) laga keenay dhismaha maamulka Goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe .

Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) - Fadhiga baarlamaanka soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho ,waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 144 mudane waxa uu furmay 11:00 AM barqo-nimo .

Kulanka waxa uu ahaa in looga hadlo ajandayaal ay ka mid yihiin ucodeynta mooshinka hakinta maamul u sameynta labadda gobol ee “Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe” ,Dooda hindiso sharciyeedka lagu dhisayo Axsaabta siyaasadda ,Akhrinta 1 aad Hindiso sharciyeedka ka hortaga Walxaha Qarxa ,Akhrinta 2 aad hindise Sharciyeedka la dagaallanka Arigigixisada “ ku wargalin la tashiga maamuladda goboladda “intaasi oo dhan waxa ay ahaayeen qodobadda la qorsheynayay in looga hadlo fadhiga xildhibaanadda baarlamaanka dowladda dhexe ee soomaaliya ay ku qaateen xarunta golaha umadda .

Balse waxaa qodobaddaasi oo dhan ka hadalkooda ku horgudbanaaday qodobka koowaad ee ahaa u codeynta mooshinka hakinta maamul usameynta labadda  gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xildhibaano gaaraya 144 mudane ayaa dalbaday in ajandaha laga saaro arinta ku aadan mooshinka ka dhanka ah dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe halka 100 xidhibaan ayaa ogolaatay in laga hadlo oo lagu daro qorshaha shaqada fadhiga baarlamaanka .

Xildhibaanadda baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwanaaday mooshinka ka dhanka ah dhismaha maamulka goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe .

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn uga soo hore jeedo dhaqaaq-siyaadadeedka ayaa “ yiri waa muhiim in dadka dago labadaasi gobol loo dhaafo sameysashadda maamul ”

Halka Xildhibaan Khadiijo Maxamed ,Diiriye iyo Xildhibaan Ubax Taliil Warsame ay taabacsanaayeen in ay sax tahay mooshinka laga keenay dhismaha maamulka loo unki doono goboladda Hiiraan iyo  Shabeelaha Dhexe .

Kulankii baarlamaanka maanta waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad waa kala dhex galay xildhibaanadda baarlamaanka soomaaliya iyo buuq waxa ay dhalisay in fadhiga laska xiro, waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad barlamaanka soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.

Waa siyaasad sixgaxan in dhismaha masiirka umadda isku jaadka ah ee ku kala nool goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay si aanan qurux badaneyn ugu murmaan .

Nasriin Maxamed Ibraahim
Moqdisho, Soomaaliy
[email protected]