4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa

Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) - Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya  ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo hub saarnaa gaarigaasi, kadib howlgalo ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, iyo sidoo kale hub, waxaana lagu qabtay gaarigaasi waaxda koowaad ee Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

Arintan ayaa timid ka dib markii ay ciidamadda sirdoonka qaranka ay howlgal ka fuliyeen qeyb ka mid ah degmadda Deyniile sida uu sheegay Afhayeenka dowladda hoose ee Xamar C/fitaax Cumar Xalane.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay Degmada Dayniile,gaar ahaan xaafadda Ciisa Cabdi waxa ayna gacanta ku soo dhigeen gaari Kaarib ah oo walxaha qarxa saran iyo  labo , Qori oo AK47 ah sidaasi waxaa  sheegay Afahyeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane .

Soo Qabashadda gaariga ay saran yihiin walxaha qarxa iyo Hubka ka dib waxaa giibta gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ciidamada ayuu sheegay in ay wadaan howlgal joogto ah oo lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho oo ay weerarrada ku soo kordheen maalmahan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya