4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
MADAXWEYNAHA JUBBALAND: Waa in Shaqo la siiyo Dhallinyarada si ay uga Haraan Tahriibka

Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) —Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo ku qabtay maanta shir jara'aid guriga martida ee degmada Kismaayo ayaa tacsi u diray ehellada dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay badda u dhexeeysa Talyaaniga iyo Masar, isagoo Eebbe uga rajeeyay in uu naxariistiisa siiyo dhammaan dadkii ku dhintay.

Doon ay la socdeen tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa ku quustay badda u dhexeeysa Girigga iyo Masar, waxaana la sheegay in ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah ay ku har-qadeen badda.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in arrimaha keenay in dhallinyaradani ay dalka ka cararto ay ka mid tahay in dhalintii wax baratay oo ilaa heer Jaamacadeed ah ay wax fursad shaqo ah ka waayaan dalka, taa badalkeedana shaqaale laga dalbado qurbaha, arintaa oo uu sheegay in dhalinyaradu ay ku kalifto in uu rajo beel ka noqdo dalka.

"Waxaan is-leeyahay waxyaalaha dhacayo waa waxyaabo la xallin karayo, waa wax haddii Dowladda Somalia, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka hadii la isugu tago xal laga keeni karo," ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in dhalinyarada qurbaha aadda ay sawirro isaga soo qaadaan guryo qurux badan oo ayan lahayn, kuna booriyaan asxaabtooda wadanka joogta in ay maraan waddadii dhibka badnayd ee ay soo mareen si ay u helaan nolol ka badalan tan ay ku jiraan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo istaago sidii dhalinta looga baajin lahaa tahriibta, isagoo yiri. "Maanta haddii qaar dhallinyarada ka mid ah ay Al-shabaab dilo, qaarna ay qarax ku dhintaan, kuwana ay badda ku dhintaan, qaar kalena ay gaajo iyo abaar u dhintaan, Jiilkan wuu dhamaanayaa, dadkaan berito yaa maciin u ah, waana ayo cidda ay sugayaan."

Dhacdadaan, ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo sanad laga joogo markii ku dhawaad 800 oo qof oo tahriibayaal ah oo ay Soomaali u ku jirto ay ku dhammaadaan Badda Talyaaniga iyo Liibiya u dhexeysa, waxaana weli jira dhalinyaro fara badan oo ku sugan Liibiya iyo Masar, kuwaas oo ku haminaya in ay u tahriibaan dalalka Yurub.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya