4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2016
Raila Odinga: Xukunka ICC Kiiska Kenya daaqada uga saartay oo la macno ah halaag

 

Raila Odinga


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Mr. Raila Odinga oo horeyna raisul wasaare uga ahaa Kenya ayaa sheegay in kiiskii Kenya ee dhawaan maxkamada ICC ay daaqada ka saartay arintaasi ay ula macno tahay halaag qaarada Afrika.  

Mr. Raila ayaa sheegay in maxkamadaasi ay ogolaatay in Kenya ay u hanjabto isla markaana go'aankeedii ahaa in ay soo afjarto kiisaskii ka dhanka ahaa madaxda sare ee Kenya uu dib u dhac ku yahay dagaalka ka dhanka ah isla xisaabtan la'aanta ka jirta Afrika, qaarada oo uu yiri waxay hoggaamisaa kuxadgudubka xaquuqul insaanka.

Raila wuxuu sheegay in kiiskii ka dhanka ahaa Ruto oo dhawaan maxkamada ICC ay soo afjartay iskana deysay inay sii waddo ay arintaasi la macno tahay dhibaato. Wuxuu sheegay in dalalka Afrika ay yihiin dalalka loogu xad gudubka badan yahay xaquuqul insaanka isla markaana ay u baahan yihiin maxkamad caalami ah.

Wuxuu dhawaan Raila sheegay in ICC ay kuguul dareysatay inay xukun ku riddo hoggaamiyeyaasha sare ee Kenya dambi la sheegay inay galeen 2007 markaas oo ay socotay rabsho daba socotay doorasho lagu murmay arintaasina ay murjinayso dadaalada caalamiga ah ee isla xisaabtamid la'aanta lagula dagaalamo.

Asagoo la hadlayay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP ayaa Raila uu sheegay sidaasi.

 ICC ayaa daaqada kasaartay ama joojisay dacwado loo heystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta dabayaaqadii sanadkii 2014 labo asbuuc ka horna waxay sidaas oo kale ujoojisay dacwad ka dhan ahayd madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo nin idaacad wariye ka ahaan jiray oo lagu magacaabo Joshua Arap Sang.

Dadkaas oo dhan iyo kuwo kale oo horay ay daaqada kiisaskooda maxkamadaasi uga saadhay ayaa lagu soo eedeeyay markii hore inay ku lug lahaayeen rabshadihii ka dhacay Kenya 2007 kadib markii doorasho guud oo Kenya ka dhacday lagu murmay isla markaana ay rabshadahaa ku dhinteen ugu yaraan dad toradoodu sare u dhaaftay 1000 qof boqolaal kun oo kalena ay ku bara kaceen.  

Qore: Aaden M Warsame
          [email protected]