4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Riek Machar oo la filayo inuu Maanta dib ugu laabto Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Juba


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa maanta la filayaa inuu ka dago magaalada Juba ee xarunta South Sudan, halkaasoo uu ka maqnaa labadii sano ee lasoo dhaafay, kaddib markii dagaal sokeeye uu dalkaas ka dillaacay.

Riek Machar ayaa la filayaa in loo dhaariyo madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo uu dhawaan u magacaabay mar kale madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, xilkaasoo uu sheegay Machar inuu qabanayo.

Sidoo kale, dib ugu laabasha Riek Machar ee magaalada Juba ayaa waxay suuro-gal ka dhigeysaa sameynta dowlad midnimo Qaran, taasoo xubnaha mucaaradka iyo kuwa dowladdu ay awoodda ku wadaagayaan.

Xukuumadda loo dhisayo dalka caalamka ugu da'da yar ee South Sudan ayaa waxay ka koobnaan doontaa Madaxweyne Salva Kiir iyo xisbigiisa SPLM iyo Riek Machar iyo xisbigiisa mucaaradka ee SPLM-IO.

Dhanka kale, Riek Machar ayaa la midoobi doona kooxaha mucaaradka ah ee yar-yar iyo xoogaga kale ee siyaasadeed, si dowladda ay u noqto mid ka kooban mucaarad iyo xukuumadda hadda jirta.

Colaadii sokeeye ee ka qarxay Koonfurta Suudaan dhamaadkii 2013-kii, ayaa waxaa ku dhintay Tobannaan kun oo qof, iyadoo ay guryahood ka barakaceen ugu yaraan laba milyan oo qof.

Ugu dambeyntii, Dib u noqoshada Riek Machar ee Magaalada Juba ayaa waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo toddobaadkii hore uu magaalada Juba ku laabtay ku xigeekiisa, inkastoo uu cabasho ka keenay xukuumadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya