4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Tartan Qur'aan Akhris ah oo Maanta uga Furmay Muqdisho Arday ka Socda 18-ka Gobol ee Dalka

Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Tartan Xifdinta Qur'aanka Kariimka ah oo ay soo Qaban-qaabisay Jimciyadda Al-Ishraaq oo ay ka Qayb-galayaan Araday Soomaaliyeed oo ka kala socday 18-ka Gobol ee Dalka, kuna tartami doona 114-ka Suurad ee Qur’aanka Kariimka, ayaa maanta si rasim ah uga furmay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, isla markaana ah Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo tartankaan furay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gobalka Banaadir uu marti-geliyo Tartankaan Qur’aan Akhriska ah, uuna u rajeynayo ardayda inay guul kasoo hooyaan Tartanka.

Sidoo kale, waxaa furitaankii tartankan ka qayb-galay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay in ay goob-joog ka ahaadaan furitaanka tartankan Qur'aanka Kariimka ah.

Guddoomiyaha Jimciyadda Al-Ishraaq, Maxamed C/qani Siidow ayaa sheegay inuu socon doono muddo shan maalmood ah, isla markaana ay Ardayda ka kala keeneen 18-ka gobol ee dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ka qayb-galaya Tartanka ayaa dhankooda sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb galka tartanka Qur’aan Akhriska, ayna si weyn u rajeynayaan inay natiijooyin wanaagsan ka keenaan.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Somalia, Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh C/casiis ayaa isna sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweyneyso tartankaan, isla markaana ay tani qeyb ka tahay hawlaha Wasaaraddu ay u xil-saaran tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in tartanka uu wax weyn kusoo kordhinayo carruurta Soomaaliyeed ee baratay Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Xildhibaan Maxmed Amiin Xasan oo ka mid ah guddiga Diinta iyo Awqaafta ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa isna sheegay in tani ay dareen gaar ah ku abuurayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa ku boorriyay Ardayda ka Qayb-galaysa Tartankan inay ka Faa'iideystaan tartanka, isla marakana u rajeeyay inay ku guuleystaan Xifdinta Qur’aanka, Abaal-marinno kala duwana lagu bixin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya