4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Shir-madaxeedkii looga hadlay Amniga Afrika oo Maanta lagu soo gunaanaday Bahir Dar, Ethiopia


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Shir-madaxeedkii Shanaad ee Amniga Afrika; (Tana High-Level Forum on Security in Africa) oo laba maalmood ka socday magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya, ayaa si rasmi ah loo soo gunaanaday Maanta.

Kulanka ayaa arrimihii ugu waa-weynaa ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah wax-qabadkii shantii sanno ee la soo dhaafay, Xaaladda Ammaan ee Qaaradda Afrika, Doorka Qaaradda ee Ammaanka Caalamka iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta Amniga iyo xalinta xasaradaha.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxdii ka Qayb-gashey shirkan ayaa sheegay in fikradaihii la isku dhaaf-saday, ay wax-tar u leeyihiin in Afrika ay caqabadeeda xal u hesho, doorna ku yeelato go’aannaada arrimaha caalamka.

Sidoo kale, Hoggaamiyeyaashii shirkan ka Qayb-galay ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarahja Itoobiya, Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Togo, Faure Essozimna Gnassingbé, Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashir, Madaxweyneyaashii hore ee dalalka Botswana, Mauritania, Xog-hayihii guud ee hore ee QM Kofi Annan, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating, wakiillo ka socday dalalka Afrika, Beesha Caalamka iyo khubaro caalami ah oo qaabilsan Arrimaha Amniga.

Guddoomiyaha Madasha Amniga Afrika, Olusegun Obasanjo oo madaxweyne kasoo noqday Nigeria, ayaa ku boorriyay ka Qayb-galayaasha inay si ficil ah uga shaqeeyaan sidii Afrika ay doorkeeda uga cayaari lahayd arrimaha Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya