4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Madaxweynaha Somalia & RW Itoobiya oo kulan ku yeeshay Magaalada Bahir-Dar ee Itoobiya


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan ay kaga hadleen iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir-Dar ee dalka Itoobiya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa dhinacyada siyaasadda iyo Ammaanka ka sokow waxay ka wada-hadleen iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo dhexmara labada waddan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in labada waddan ay sameystaan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Desalegn uu soo dhaweeyay fikirkaas.

Itoobiya iyo Somalia ayaa waxay ka wada-shaqeyn doonaan horumarinta Barnaamijyo ay ka mid yihiin shaqo abuurka, maal-gashiga, beeraha, Tiknoloojiyadda iyo Arrimaha bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa waxay kaloo ka wada-hadleen Suuro-galnimada in Dalalka Geeska Afrika ee kala ah; Somalia, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan ay Sameystaan Suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya