4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Dacwad laga Gudbiyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali (SAWIRRO)

Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Garabka uu Hoggaamiyo Musharraxa Xisbga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta u gudubiyay Guddiga Diiwaan-gelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe.

Jamaal Cali Xuseen ayaa waxaa ku wehelinayay, guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID, Cali Guray, Xildhibaanno kasoo baxay xisbiga, garyaqaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan xisiga.

Kulan ay la yeesheen guddiga diiwaan-gelinta iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka kaddib waxaa warbaahinta la hadlay garyaqaan Maxamed Saciid Xirsi iyo garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo kamida garyaqaanada u doodaya masuuliyiintan.

"Dacwadani waxay ujeedadeedu tahay xisbiga oo gudoomiyaha xisbigu uu ka baxay oo baal maray sharcigii in sharciga lagu soo dabaalo in dib loo dhiso hay’adiihiisii, xisbiguna waa mid Qaran oo la wada-leeyahay hawshanna guddiga ayaa u xil-saaran, waxaana dacwadeenna u gudbinay guddiga diiwaan-galinta, wixii tallaabooyin ahna iyagaa laga sugayaa," ayuu garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi.

Sidoo kale, Waxaa iyaguna tallaabadaan soo dhaweeyay xildhibaannada xisbiga ugu jira Golaha Wakiillada, waxayna Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe usoo jeediyeen in aanu qasin xisbiga, isla markaana aanu gacantiisa ku burburin.

Ugu dambeyn, Khilaaf weyn ayaa ka dhex-jira xisbiga mucaaradka ah ee UCID, iyagoo hadalo isku mariyay Warbaahinbta, taasoo midba ka kale ku eedeeynayo burburka xisbiga, waxaanu hore guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in musharaxa xisbiga dib u dooranayaan golaha dhexe, halka Jamaal Cali Xuseen ku dooday in hore guddida golaha dhexe isaga u doorteen inuu noqdo musharraxa Xisbiga UCID ee doorashooyadda madaxtinimadda xisbigaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland