4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Shir looga hadlayo baahinta nidaamka Federaalka oo Kismaayo uga furmay dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ka jira


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) —Wafdi uu hogaaminayo xogyahaha joogtada ee wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Yaxye Sheekh Ibraahim islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirada arimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaa uu ka furmayo shir looga hadlayo baahinta nidaamka federaalka.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish, xildhibaanno iyo masuuliyin kale.

Mudane Darwiish oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan madaxda ka socoto wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya iyo wasiirada arimaha gudaha dowlad goboleedyada, islamarkaana ay sharaf weyn u tahay in shirka looga tashanayo baahinta hannaanka federaalka ay marti geliso magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Jubaland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Yaxye Sheekh Ibraahim ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in uu furmi doono shir looga tashan doono fahanka nidaamka federaalka ee uu dalka qaatay iyo weliba sidii nidaamkaasi loogu baahin lahaa dalka.

Intaa kadib ayaa masuuliyiinta waxaa loo gelbiyay guriga martida, halkaa oo ay kula kulmeen madaxweeynaha Jubaland, kaa oo u daahfuray shirweeynihii qaran ee looga hadlayay arimaha federaalka iyo weliba sidii loogu baahin lahaa dalka, isagoo sheegay in loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed marba gobol ku shiraan, islamarkaana heshiiyaan ayaga oo aan la dhexdhexaadinayn.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.