4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
SAWIRRO: RW Somalia oo Wadamada Islaamka kala shiray Arrimaha Somalia & kuwa Muslimka

Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kaga Qayb-galay Shirkii Waddamada Islaamka ee looga dooday kala Qayb-sanaanta ka dhex jirta Waddamada Islaamka iyo la-dagaalanka Argagaxisada, ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay Arrimaha Somalia.

RW Soomaaliya, ayaa khudbaddiisa ayaa ugu horreyn ka mahad-celiyay marti-gelinta shirkan uu marti-geliyay Turkiga, isagoo ka hadlay horumarrada ay ku talaabsatay Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

Sharma'arke ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay inay wadamada Islaamku isku tiirsanaadaan, isagoo ka hadlay dhibaatada Argagixisada iyo sida loogu baahan yahay in wadajir loo wajaho, waxaana uu ALLE ka baryay in dhammaan Caalamka Islaamka uu ka dul-qaado dhibaatooyinka haysta.

Ugu dambeyn, RW Cumar C/rashiid ayaa kulammo gooni-gooni ah la qaatay madaxda waddamada Islaamka ee kasoo qayb-galay kulankaan, isagoo kala halay arrimaha Somalia iyo xoojinta xiriirka dalalka Islaamka iyo Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya