4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Shirka Amniga Afrika ee Sannadkan oo diiradda lagu saarayo sidii Xal loogu heli lahaa Qaaradda


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Shirkii shanaad ee Ammaanka Afrika oo shalay ka furmay Itoobiya, ayay Hoggaamiyeyaasha Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweyne, Xasan Sheekh, waxay diiradda ku saareen sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka jira Qaaradda Afrika.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inay Afrika ka jiraan dhibaatooyin dhanka amniga iyo weliba siyaasadda ah, isagoo ka dalbaday madaxda Afrika inay ka shaqeeyaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen caqabadahaas.

"Caqabada Amni iyo kuwa siyaasdeed ee Qaaradda ka jira waa in dhamaan aan u istaagno sidii aan xal ugu heli lahayn," ayuu yiri Desalegn oo intaas ku daray. "Shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa sidii aan fikradaha isku dhaafsan lahayn, waayo maanta caalamka waxaa soo food-saaray caqabado adag oo aan horay loogu arag."

Sidoo kale, Desalegn ayaa xusay muhiimadda ay leedahay inay hoggaamiyeyaasha Afrika yeeshaan is-kaashi buuxa, si ay horumarro intaan ka badan u gaarsiiyaan Qaaradda. Isagoo xusay inuu ku rajo-weyn yahay in ay wax ka qabtaan caqabadaha jira.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo oo haatan guddoominaya Shirka Amaanka Afrika ee Tana High-Level, ayaa isna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in madaxda Afrika ay is-kaashi yeeshaan si caqabadaha ka jira Qaaradda.

"Waxaanu doonaynaa inaan xal wax-tar leh ka gaarno dhibaatooyinka Afrika ka jira. Aftida Daafuur ee dalka Sudan waa tallaabo horumar leh oo horay loo qaaday," ayuu yiri Obasanjo oo ku daray. "Ka-qayb-galka uu shirkaan kasoo qayb-galay madaxweynaha Suudaan, Cumar Al-Bashiir wuxuu tilmaan u yahay sida uu ugu yahay diyaarka xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka ka jira Suudaan iyo kuwa kale ee Afrika."

Obosanjo, ayaa carrabka ku dhuftay dhallinyarada Afrika ee kusii qul-qulaya Qaaradda Yurub, isagoo xusay in tahriibkaas looga hor-tegi karo in la abuuro shaqooyin iyo in la sameeyo hannaan Afrika looga ciribtiri karo saboolnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo isna ka hadlay Shirka Amniga Afrika, ayaa sheegay in madashan ay gogol-xaar wanaagsan u yahay sidii Qaaradda Afrika ay mashaakilaadkeeda xal ugu heli lahayd, lagana shaqeyso la dagaallanka Xag-jirnimada, kala Qoqobka iyo in diiradda la saaro horumarka iyo is-kaashiga Afrika ay la leedahay Caalamka intiisa kale.

Ugu dambeyn, Madasha Ammaanka iyo Nabad-galyada Afrika ee Tana ayaa la aas-aasay Sannadkii 2009-kii, Waana Madal kulminaysa Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika iyo ururrada caalamiga ee Ammaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya