4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
Kooxo hubeysan oo laba Haween ah ku toogtay Muqdisho - laba Ruux oo kalena ku dhaawacay


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku dilay Muqdisho laba haween ah, iyagoo dhaawacay laba ruux oo ay ka mid ahayd; gabar ay walaalo yihiin gabadh la dilay iyo Darawalkii mootada Bajaaj-ta Muqdisho ka shaqeysa.

Haweeney lagu magacaabi jiray Cibaado Cagle oo 70-jir ahayd ayaa waxaa ku dilay xalay illinka gurigeeda koox dabley ah, haweeneydan da'da ahayd ayaa la sheegay inay ka tirsanayd Hawl-wadeennada Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Dabely mooto watay - ayaa saaka ku dilay degmada Dhakeynleey ee Gobolka Banaadir, Gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Fardowso Jamaal Xasan oo ahayd hooyo saddex caruur ah dhashay, iyagoo dhaawacay gabar ay walaalo ahaayeen oo la socotay oo Shankaroon Jamaal Xasan lagu magacaabo.

Fadowsa iyo Shankaroon ayaa la weeraray xilli ay gurigooda kasoo baxeen; waxaana la sheegay in labadaan gabdhood ay nadiifiyeyaal ka ahaayeen mid ka mid ah hay'adaha QM ee ka hawl-gala Muqdisho.

Dableyda Weerarkaan geystay, ayaa sidoo kale dhaawacay Darawalkii Bajaaj-tii ay la socdeen Gabdhahaan, iyagoo markiiba baxsaday, iyadoo aysan jirin cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Ugu dambeyntii, Hay'adaha Ammaanka Dowladda Somalia - ayaan weli ka hadlin dilalka haweenkan loogu geystay Muqdisho xalay iyo saakay, iyadoo Muqdisho ay kusoo kordhayeen Muddooyinkii ugu dambeeyay Weerarrada noocaan oo kale ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya