4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2016
ETHIOPIA: Dabley kasoo jeedda South Sudan oo dilay 140 qof oo Rayid ah Ilmo badana Afduubay


Axad, Abriil 17, 2016 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya, ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo kasoo gudbay Xuduudda ay South Sudan la leeyihiin ay ku dileen gobolka Gambela ugu yaraan 140-qof oo shacab ah, ayna ciidamada Itoobiya ka tallaabeen xadka si ay u baacsadaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Weerarkaan, ayaa ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay deegaanka Jakaya oo ku xadka ku dhaw, halkaasoo u ah deegaan 284,000 qof oo kasoo cararay colaadaha ka taagan dalka South Sudan.

"Dableydan oo kasoo tallaabay soohdinta Itoobiya iyo South Sudan ayaa ku dilay weerarkooda 140-qof oo shacab ah, iyagoo afduub ahaan u kexeysay 39-ilmo ah," ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda oo la hadlay warbaahinta.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Ciidanka Itoobiya ayaa gudaha u galay Koonfurta Suudaan, iyagoo baacsanaya kooxihii burcadda ahaa ee weerarka fuliyay, waxaana illaa hadda laga dilay 60-qof."

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in kooxdan weerarka geysatay aysan ka tirsanayn xoogagga mucaaradka iyo ciidamada dalka Koonfurta Sudan, balse ay yihiin dableey madax-bannaan oo weerarro dhawr ah horay uga geystay gudaha Itoobiya.

Illaa hadda wax jawaab ah kama bixin saraakiisha dalka South Sudan, dilka la sheegay inay kooxo hubeysan oo xadka Itoobiya iyo dalkooda ka tallaabay toogasho ku dileen 140-qof oo rayid ah, tiro kalena ay horay u sii qafaasheen.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in dableyda dhibaatada geystay ay ka soo jeedaan qowmiyadda Murle ee dalka South Sudan. Waxaana Wasiirka warfaafinta Itoobiya uu sheegay in weerarrada noocan oo kale ay dhawr jeer ka dhaceen gudaha Itoobiya.

Qoymiyadda Murle, ayaa lagu eedeeyaa inay qaadaan weerarro ay lo' kusoo dhacaan, sidoo kalena ay ilmaha yar-yar ku afduubtaan, si ay ugu koriyaan sida caruurtooda oo kale.

Ugu dambeyn, Gobolka Gambela ee Waddanka Itoobiya oo weerarkan uu ka dhacay, ayaa waxaa ku nool qoysas fara badan oo kasoo jeeda beesha Nuer ee dalka Koonfurta Suudaan ee ay dariska yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya