4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2016
Ardayda Iskoolada Kenya oo Fasax Kujira; Inay Diinta Ku Dadaalaan oo Lagula Dardaarmay

Waalidiin iyo arday, xilli la xiraayay mid ka mid ah iskoolada Nairobi
Waalidiin iyo arday, xilli la xiraayay mid ka mid ah iskoolada Nairobi
Waalidiin iyo arday, xilli la xiraayay mid ka mid ah iskoolada Nairobi
Axad, Abriil 17, 2016 (HOL)-Ayadoo haatan iskoolada dalkani Kenya la xiray maadaama lagu jiro bisha fasaxa ee Abriil ayaa macalimiinta iskoolada  gaar ahaan kuwo bixiya maadooyinka isku dhafka ah ee diiniga iyo maadiga waxay kula dardaarmeen waalidiinta in carruurta tarbiyadooda la ogaado waqtigaan iskooladu xirnaanayaan.

Sidoo kale ayaa waxaa culimaa-udiinka iyo hoggaamiyeyaasha diintu kula dardaarmeen waalidiinta in anshaxa carruurta iyo tarbiyeyntooda lagu dadaalo gaar ahaan xilligaan fasaxa ay kujiraan.

Sida uu qabo dastuurka Kenya, saddex bilood kadiba iskoolada waa in la xiro bil. Sidaa daraadeed, waxaa la xiraa iskoolada Kenya bilaha Abriil, Agoosto iyo Disembar.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi Kenya.