4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
Xukuumadda Sucuudiga oo uga digtay Dowladda Mareykanka inay Meel-mariso Sharci dhan ka ah


Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Boqortooyada Sucuudiga, ayaa uga Digtay Washington meel-marinta Sharci cusub oo dhigaya in Saudi Arabia loo qabsan karo Weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka 11-kii September 2011-kii, kaasoo ay haatan gacanta ku hayaan xubnaha Congress-ka Mareykanka, waxayna ugu goodisay inay jari doonto xiriirka dhaqaale ee dalkeeda kala dhexeeyay Mareykanka.

Xukuumadda Riyadh, ayaa ku goodisay inay iibin doonto dhamaan hantida ay ku leedahay dalka Mareykanka oo qiimaheedu ku kacayo boqollaal bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wargeyska New York Times, ayaa daabacay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga, Adel al-Jubeir uu digniintan u gudbiyay Maraykanka mar uu booqanayay magaalada Washington bishii lasoo dhaafay.

"Haddii xildhibaannada Mareykanka ay meel-mariyaan shacigan cusub waxaa imaan doonta in Sucuudiga uu ku qasbanaado inay iibiyaan dhammaan wixii hanti ah oo ay Mareykanka ku leeyihiin, kuwaasoo ku kacaya lacag dhan 750-bilyan oo doollar," ayuu hadalkiisa ku sheegay Adel al-Jubeir.

Sidoo kale, Waxaa jirta kala Qaybsanaan xoog leh oo ku dhex-jirta Xubnaha Congress-ka Mareykanka oo sharcigaan gacanta ku haya, iyadoo uu ka digay maamulka Madaxweyne Barack Obama inay arrintani keeni karto cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

"Waa wax lala yaabo, Xukuumadda Washington ay difaacdo Saudi Arabia oo Muwaadiniinteeda dhibaato u geystay," ayay tiri Mindy Kleinberg oo seygeedii uu ka mid ahaa boqolaalkii qof ee ku dhintay weerarkii 9/11. Iyadoo sidoo kalena ka mid ah koox dhibbanayaal ah oo sharcigaan dabada ka riixaya.

Dhanka kale, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweyne Obama la filayo inuu booqasho ku tago Sucuudiga Arbacada Todobaadkan, isagoo kulan looga hadlayo arrimo kala duwan la yeelanaya Boqorka Saudi Arabia iyo qaar ka mid ah saraakiil xukuumadda, balse ma cadda in weerarkii 9/11 uu ka mid noqon doono waxyaabaha ay kawada hadli doonaan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Sucuudiga ayaa had iyo jeer waxay beenisay inay ku lug lahayd Weerarradii ay Al-Qaacida ku qaadday Magaaloyinka New York iyo Washington Sanadkii 2011-kii, oo Ragii weerarradaas gaystay ayaa intooda badan u dhashay Boqortooyada Saudi Arabia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya