4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2016
SAWIRRO: Odayaasha Gobolka Hiiraan oo eed u jeediyay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia

Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad maanta shir jaraa'id ku qabtay degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumaddda Soomaaliya inay ka been abuuratay sida ay hadalka u dhigeen odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan.

Odayashan ayaa xusay in xubno asal ahaan ka soo jeeda gobolka Hiiraan, balse Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo raacay Muqdisho oo shalay ka daga Degmada Jowhar, Wasaaradda ku sheegtay inay kasoo safreen Beledweyne, arrintaas oo ay ku tilmaameen inay tahay mid been abuur ah.

Sidoo kale, odayaasha shirka jaraa'id ku qabtay Beledweyne ayaa cabaareyn dusha kaga tuuray shaqsiyaad sida ay hadalka u dhigeen magaalada Jowhar ka sheegtay in ay wakiilo ka yihiin duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo ay ku tilmaameen xad gudub iyo meel ka dhac ku ah Taariikhada soo jireenka ah ee Soomaalida.

Beesha Caalamka iyo Hay'adaha deeq-bixiyeyaash ah ayay shirkooda jaraa'id ku war-galiyeen inaysan jirin cid ku matasha gobolka Hiiraan shirka ka socda Jowhar, waa sida ay hadalka u dhigeen odayasha dhaqanka ee shirka jaraa'id qabtay.

Eedeyntan, ayaa imaanaysa xilli Degmada Jowhar uu ka socdo Wajigii labaad ee Shirka dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo Toddobaadkii hore uu si rasmi ah uu u furay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Somalia, Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa].

Ugu dambeyn, inkastoo uu ka socdo Magaalada Jowhar Shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, haddana waxaa jira Caqabado uu Wajahayo shirka, Madaama wali ay jiraan Duubab ka maqan shirka dhinaca kalana magaalada Beledweyne uu ka soconayo shirweyn dib-u-hishiisiin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya