4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
Xildhibaanno Baarlamaanka FS Geeyay Mooshin lagu doonayo in Shirka Jowhar Hakad la geliyo


Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, ayaa maanta Mooshin ka keenay Shirka Jowhar ee maamulka looga dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo muran uu dhawaanahanba ka taagnaa.

Mudanayaasha Mooshinkan keenay oo tiradoodu ahayd 42, ayaa dalbaday in dib loo dhigo shirka magaalada Jowhar ka socda, iyagoo sheegay inay jiraan cabashooyin ka qabaan waxgaradka ee gobollada la doonayo in loo dhiso maamulka.

Intaas kaddib, ayaa waxaa la xusay in muddo kale dib la isugu soo laabto, maadaama aanu buuxin kooramkii xildhibaannada oo cod u qaadi lahaa mooshinkan.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa dhankooda sheegay in kulanka soo socda looga doodayo Mooshinkaan ujeeddadiisu tahay in dib loo dhigo shirka ka socda Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Xildhibaannada keenay mooshinkan ayay wararka qaar waxay sheegayaan in ay ku jiraan xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ay ka biyo diideen inay ka qayb-galaan shirka Jowhar, isla markaana shir dib u heshiisiin ah uu xilligan uga socdo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadkii hore la furay wajiga labaad ee shirka Jowhar, kaasoo ay goobjoog ka yihiin Duubab-dhaqan oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, lama oga mooshinka uu ku guuleysan doono in shirka Jowhar dib loo dhigo muddo cayiman iyo in kale, inkastoo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia uu sheegay in la doonayo in muddo kooban shirkaan lagu soo gaba-gabeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya