4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
Ciidamada AMISOM oo Maanta Afar qof oo rayid ah ku dilay duleedka deegaanka Buulo-mareer


Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Ciidan ka tirsan kuwa AMISOM ee ka Hawl-gala Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen Afar qof oo rayid ah oo ay ku jireen Haweeney waayeel ah iyo Gabar yar oo sagaal jir ahayd, kuwaasoo Gaari yar watay.

C/waaxid Macallin Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkan rayidka ah ee ay ciidamada AMISOM maanta toogteen ay ku jireen Hooyadiis iyo gabar sagaal jir ah oo uu dhalay.

"Hooyadey oo xanuunsanayd iyo gabar aan dhalay oo iyadana xanuun hayay ayaa ka mid ahaa dadka ay ciidamada AMISOM maanta toogteen, waxaa lala dilay laba wiil oo gaariga lahaa oo aan saaxiibo ahayn," ayuu yiri C/waaxid oo la hadlayay BBC-da.

Sidoo kale, C/waaxid Macallin ayaa sheegay in Gaariga oo socda ay goob aan looga baran ciidanka AMISOM uga soo baxeen, kaddibna ay kasoo dajiyeen gaariga, oo ay isla goobta ku toogteen.

Ma garanayno sababta loo dilay, Waayo dad xanuunsan iyo dad waday ayay isugu jireen, ayuu hadalkiisa ku daray C/waaxid oo intaas ku daray in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee maydadka kor taga, illaa haddana si dhab ah looma oga sababta keentay dilkooda.

"Xiisad ayuu falkaan ka dhaliyay deegaanka Buulo-mareer oo dhan, laakiinse anigu waxaan Rumeysanahay inuu falkan ka mid yahay Cadownimada ay Ciidamada AMISOM u qabaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu C/waaxid ku daray hadalkiisa.

Goob-joogayaal ku sugan Buulo-mareer ayaa sheegay in dadka la toogtay ay ahaayeen dad rayid ah oo la yaqaanno, iyagoo xusay in dibadbaxyo xooggan oo falkaan dilka ah looga soo horjeedo ay deegaanka ka socdaan.

Dhanka kale, Col. Xasan Maxamed Abuukar oo ka tirsan saraakiisha Soomaaliyeed ee hor-kacaya ciidamada dowladda FS ee la hawl-gala ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dilka uusan ahayn mid u dhacay si ku talo-gal ah, isla markaana uu arkay maydadka oo uu xusay in qofkiiba ay ku taallo shan xabbadood.

"Waxaan qorsheynaynaa inaan kulansiinno ciidamada AMISOM iyo ehellada dadkii la dilay ee shacabka ahaa... isla markaana ay ku dadaalayaan sidii ay arrintaan u xallin lahaayeen," ayuu yiri Col. Xasan oo la hadlayay VOA-da.

Taliska AMISOM oo aan weli si rasmi ah falkaan uga hadlin, ayaa haddana sarkaal sare oo ka tirsan oo arrintan wax laga weydiiyay, ayaa sheegay inay weli ururinta xogaha Arrintaan ku saabsan, ayna ka hadli doonaan marka ay warbixinnadooda soo dhameystiraan.

Ugu dambeyntii, Ma aha markii ugu horreysay oo Ciidamada AMISOM ay dilal u geystaan Dad Shacab ah oo aan Waxba galabsan. Iyadoo Sannadkii hore ee la soo dhaafay 2015-kii; ay ciidamada AMISOM ku dileen Magaalada Marka 10 ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo ku sugnaa xaflad Aroos.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya