4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
Hay'adaha Bisha Cas Somalia iyo ICRC oo Cuno ka qaybiyay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya


Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Hay'adda ICRC iyo Bisha Cas ee Somalia, ayaa sheegay inay 60,000 ruux oo ay abaaruhu saameyeen u qabisay Gargaar cunno ah oo isugu jiray; Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla Gobollada Waqooyiga Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Roobabka oo hoos u dhacay, ayaa sababay inay xaaladdu sii xumaato; kuwaa oo keenay qiimaha xooluhu hoose u dhaco. Taasoo sabab u noqotay inay heli waayaan qoysaska ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen inay daqli ay ku noolaadaan helaan.

"Cunno-yaraanta iyo abaaraha ayaa sababay in xaaladdu noqoto mid adag oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha bulshada deegaannada ay abaarahani saameeyeen ku nool," ayuu yiri madaxa ICRC ee Soomaaliya, Jordi Raich Curco.

Isagoo hadalkiisa raaciyay. "Nasiib-darro, tani ma ahan mid cusub, balse sanadihii aynu kasoo gudbunay ayay Somalia ku dhufteen abaaro iyo daad saameyn ku yeeshay bulshada. Waxaanan rajeynayaa in gargaarkeennu uu caawinaad u noqon doono dadka badan oo abaaraha xilligaan taagani ay saameyn xun ku yeesheen."

Hay'adda ICRC ayaa xustay in gargaarkan isugu jiray Bariiska, Digirta iyo Saliida Raashinka lagu karsado ay ka qaybinayaan deegaanno ka tirsan Gobollada Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag, taasoo ay ugu talo-galeen inay dadku isticmaalaan inta roobabku si wanaagsan uga da'ayo deegaanadaas - bilaha u dhexeeya Abriil iyo Juun ee Sannadkan.

Dhanka kale, Hay'addu waxay sheegtay in Somalia ay sanad walba soo marto xilli biyo la'aani ay ka dhacdo deegaannada qaarkood, kaddib markii ay hoos u dhacyo ku yimaadaan biyaha ceelasha oo ah isha keliya ee biyaha laga helo. iyadoo ku baaqday inay tahay in la xoojiyo helitaanka biyaha.

"Sannadkaan, Biyo la'aantu waxay ahayd mid aad u adag," ayuu yiri Madaxa mashaariicda Hay'adda ICRC ee Somalia, Fernando Resta. wuxuuna intaas ku daray. "Qiimaha Biyaha, Waa kuwo aad uga Qaalisan intii hore. Qoysaska aan gargaarka siinayno qaarkood waxay raashinka ku iibsanayaan lacago aad u yar si ay u awoodaan inay biyo ku iibsadaan lacagtaas."

Ugu dambeyn, Hay'adda ICRC ayaa sheegtay in Sannadkii 2014-kii ay qaybo ka mid ah kuwa ay abaartu saameysay ee Somalia ka hirgeliyeen 11-ceel oo laga qoday, 10-ceel gacmeed ah iyo weliba 20-kannaal oo biyaha Roobabku ay ku hooraan.

Hay'addu waxay intaas ku dartay in Sanadkii 2015-kii, ay dadka ku nool gobollada ay abaaruhu saameeyeen u qaybisay 23,000 oo geed timireed ah, si ay ugu adeegsadaan ganacsiga beeraha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya