9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda oo Washington uga Qayb-galaya Shirkii Bangiga Aduunka & IMF

Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim Farketi iyo Wafdi uu ka mid ahaa hay'adaha lacagta dalka, Guddiga Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka, La-taliyayaala ka kala socda wasarada Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa ka qayb-galay shirkii Sanadlaha ah ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimaada wakiilo ka kala socda Caalamka, waxaana looga hadlaa Caqabadaha ka jira Dhaqaalaha Adduunka, Sidii loo gacan qaban lahaa Dalalka dhaqaalahoodu Hooseeyo, In kor loo qaado maal-gashiga lana sii wado daymaha la siinayo dalalka soo koraya.

Farketi ayaa shirka ka jeediyay khudbad ka hadlaysa heerka uu dhaqaalaha Somalia maanta marayo, daynta lagu leeyahay dalka iyo sidii looga cafin lahaa.

"Shirkaan waa mid Sannadkiiba mar la qabto, waxaana nasiib-wanaag ah in uu shirkan kusoo beegmay xilli maalmo ka hor ay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’ada IMF-ta ay kala saxiixdeen heshiis ku aaddan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay," ayuu yiri Wasiir Farketi.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Waxaan fursad u helnay inaan la kulanno madaxda ugu sarreysa Bangiga Aduunka iyo IMF-ta, si loo sii amba-qaado dhamaystirka heshiiskii Nairobi."

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa xilliyadii u dambeeyay ugu jiray dadaal sidii loo hagaajin lahaa shuruucda Maaliyadda Dalka, si shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka ugu kalsoonaadaan dhaqaalaha soo gala dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya