4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2016
Murashax Mareykanka Donald Trump oo lagu eedeeyay ku Xad-gudub Xuquuqda Aadanaha ah


Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) — Madaxa Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee QM Sayid Racad Al-Xuseyn ayaa wuxuu weerar afka ah ku qaaday Musharraxa ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareynaka, Donald Trump.

Al-Xuseyn ayaa sheegay in mushraxan doonaya inuu madaxweynaha ka noqdo Mareykanka uu gaysanayo xad-gudub. Isagoo sheegay inuu yahay ruux aad u taageersan jir-dilka iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhanka ah bani'aadamnimada.

"Trump waa murashax maal-qabeen ah oo aad u jecel waxyaabaha ay ka mid yihiin jir-dilka iyo in Muslimiinta daba-gal lagu sameeyo, taasoo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha," ayuu yiri Sayid Al-Xuseyn.

Sidoo kale, Sayid ayaa intaas ku daray in eexda iyo Munaafaqnimada aysan calaamad hoggaan wanaagsan caalamad u ahayn, isagoo intaas ku daray in hadallada ku dhisan nacaybka aysan majaajillo iyo maaweelo.

Donald Trump oo ah murashax u taagan xilka madaxnimo ee Mareykanka ayaa horraantii sannadkan wuxuu hadal aad saameyn u yeeshay uu ka jeediyay dalka Mareykanka, kaasoo ahaa in mulimiinta aan loo ogolaan inay soo galaan Mareykanka.

Hadalkan, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxda Caalamka intooda badan, iyadoo Tump lagu sheegay inuu yahay ruux aan u qalmin inuu hoggaamiyo Mareykanka, taasoo laftiisa dhaawac weyn u geystay.

Ugu dambeyn, Hadalka Sayid Al-Xuseyn ayaa noqonaya midkii uu soo jeediyo Mas'uul ka tirsan Caalamka, iyadoo horay ay hay'ad Caalami ah u sheegtay in haddii Trump uu Madaxweyne ka noqdo Mareykanka ay taasi ka dhigan tahay caqabad kale oo dunida soo wajahday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya