4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2016
Shiinaha oo dalbaday liiska dadka lagu tuhunsanyahay argagixisonimada

 

 

 

 

Sebti, Abriil 16, 2016 (HOL)-Dowladda Shiinaha ayaa wadamada sanadkaan ka qeyb galaya shirka wadamada dhaqaalaha ku hor maray ee G20 ka codsatay in ay kusoo wareejiyaan liiska kooxaha iyo shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay argagaixisanimada ee ay diiwaan galiyeen.

 

Xukuumadda Beijin ayaa dooneysa in ay ka hor tagto dhaqdhaqaaqyo amni darro ah oo ay kooxahaasi ku waxyeeleyn karaan kulankaasi G20 oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Hangzhou ee dalka Shiinaha.

 

Arrintaan ayaa waxaa asbuucii lasoo dhaafay shaaciyay wargeys maxali ah oo ay leedahay dowladda Shiinaha kaasoo kasoo baxa gudaha wadankaasi, kaasoo soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka.

 

Sarkaal ka tirsan laamaha la dagaalanka argagaxisada ee dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Hou Le ayaa sheegay in ay dadaallo badan u sameyn doonaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen in kooxaha ceynkaasi ah ay bartilmaameedsadaan shirka ay ku kulmayaan madaxda dunida.

 

Kulanka G20 oo ay ka qeyb gali doonaan hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada 20-ka wadan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo dabayaaqada bisha Siteembar ee sanadkaan 2016-ka.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.