4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2016
Madaxda Kenya iyo Germany oo ka wada hadlay iskaashiga ganacsiga iyo ammaanka

 

 

Sebti, Abriil 16, 2016 (HOL)-Masuuliyiinta Kenya iyo Germany ayaa yeeshay wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen sare u qaadista ganacsiga iyo sugidda ammaanka.

 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Germany Angela Markel ayaa dhawaan yeeshay kulan 2 geesood ah oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin.

 

Arrimhii la iskula soo qaaday kulanka dhex marray labada hoggaamiye ayaa waxaa ka mid ahaa ganacsiga, dalxiiska, la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyo nabadgalyada guud ahaan gobolka bariga Afrika.

 

Af hayeenka aqalka madaxtooyada ee dalkani Kenya, Manoa Esipisu ayaa sheegay in madaxweyne Kenyatta iyo Dr. Markel ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo ku saabsan wadamada Suudaanta Koonfureed, Burundi iyo Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi Kenya